Magacyada saddex ciyaaryahan oo uu Carlo Ancelotti jeclaa in Real Madrid ay la soo saxiixato intii uu kooxda hoggaaminayay ayaa la shaaciyay.
Ancelotti, oo hadda ka tagay Real Madrid si uu u tababaro xulka qaranka Brazil, ayaa ah tababaraha ugu guulaha badan taariikhda kooxda.
Tababarahan reer Talyaani ayaa kooxda kula guuleystay 15 koob intii uu laba jeer ka soo shaqeeyay garoonka Santiago Bernabeu, waxaana ka mid ahaa shan Champions League oo uu la qaaday kooxda.
Si kastaba, xilli-ciyaareedkii 2024/25, Ancelotti kuma guuleysan Champions League, LaLiga iyo Copa del Rey.
Warbixin ka timid Diario AS ayaa sheegtay in Ancelotti uu doonayay in lagu xoojiyo kooxda xiddigahan, isagoo codsaday in la keeno:
Alessandro Bastoni (Inter Milan)
Alexis Mac Allister (Liverpool)
Álvaro Carreras (Benfica)
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Real Madrid ma aysan aqbalin codsigiisa.
Ancelotti waxaa hadda beddelay Xabi Alonso, oo hore u tababaray Bayer Leverkusen.