Amorim Oo Durba Daaha Ka Rogay Cidda Uu Ku Bedelayo Onana; Xiddigan Ayaa Diiday Kooxo Waaweyn Si Uu Ugu Biiro United

Tababaraha cusub ee Manchester United Rúben Amorim ayaa sheegay inuusan meesha ka saarin suurtagalnimada uu Emiliano Martinez ugu soo biiri karo kooxda xagaagan, iyadoo goolhayaha Aston Villa uu si xooggan u riixayo inuu u wareego Old Trafford.

Martinez, oo 32 jir ah, ayaa la rumeysan yahay inuu si dhab ah u doonayo inuu ku biiro United – inkastoo kooxda xilli ciyaareedkii 2024/25 ku dhammeysatay kaalinta 15aad ee Premier League, meel aad uga fog kaalmaha Champions League.

Dhanka kale, Aston Villa ayaa ku dhammeysatay kaalinta 6aad, waxaana ay si adag ugu tartameen tartamada Yurub iyo FA Cup, inkastoo ay maalintii ugu dambeysay seegeen u-qalanka Champions League.

Si kastaba, go’aanka Martinez ee ah inuu u wareego United ayaa dad badan la yaab ku noqday, balse wuxuu weli u arkaa Manchester United inay tahay mid ka mid ah naadiyada ugu waaweyn adduunka, wuxuuna doonayaa inuu kaalin weyn ka qaato dib usoo celinta sumcadda kooxda.

Martinez, oo ah guuleystaha Koobka Adduunka ee 2022, ayaa sidoo kale ku kalsoon inuu booska ka dhacsan karo André Onana, kaasoo ku dhibtooday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda.

Warbixin uu qoray The Sun ayaa sheegtay in Martinez si “naxariis la’aan” ah u riixayo riyadiisa ah inuu u wareego Manchester United, isagoo durba iska diiday dalabyo ka yimid kooxo kale oo waaweyn si uu u sugo fursadda uu ugu biiri karo Red Devils.

Tababare Amorim ayaa la sheegay inuu muddo dheer xiisaynayay Martinez, isla markaana uu doonayo inuu kooxda keeno “hogaamiyeyaal iyo kabtanno”, wuxuuna u arkaa Martinez inuu yahay ciyaaryahan lagu dhisi karo mashruuca cusub ee United.

Ilo wareed u dhow Martinez ayaa u sheegay The Sun: “Emi waxey saaxiibo dhow yihiin Lisandro Martinez, waana sabab kale oo uu u xiiseynayo u wareegista United. Waxa uu durba diiday kooxo waaweyn isagoo sugaya fursad uu ugu biiro Old Trafford.”

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football