Xiddiga garabka ka ciyaara ee Manchester United, Amad Diallo, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka saaxiibkiis Alejandro Garnacho, iyadoo warar hoose ay sheegayaan in tababaraha kooxda Ruben Amorim uu Garnacho kula taliyay inuu raadsado koox cusub kaddib guuldarradii finalka Europa League.
Amad ayaa si daacad ah u sheegay in Garnacho uu yahay ciyaaryahan muhiim ah, isla markaana uu jecel yahay inuu arko isaga oo kooxda sii jooga.
“Alejandro Garnacho waa ciyaaryahan aad u fiican, kooxduna waxay u baahan tahay ciyaartoy wanaagsan,” ayuu yiri Amad.
“Garna aad ayaan u garanayaa, sidaas darteed waxaan rajeynayaa inuu nala sii joogo xilli-ciyaareedka dambe. Ma aha wax weyn oo dhib ah kooxda u keenaya. Wax walba waa hagaagsan yihiin hadda.”