Alonso Oo Magacaabay Cidda Real Madrid U Qaadaneysa Laadadka Xorta Ah Xilli Ciyaareedka Cusub

Xabi Alonso ayaa qaaday tallaabadiisii ugu horreysay oo muuqata tan iyo markii uu noqday tababaraha Real Madrid, isagoo mas’uuliyadda laadadka xorta ah (free-kicks) u dhiibay labada ciyaaryahan ee cusub: Trent Alexander-Arnold iyo Franco Mastantuono, sida ay qorayaan wararka laga helay Real Madrid Confidencial.

Trent Alexander-Arnold, oo kasoo baxay Liverpool, ayaa qaadan doona laadadka lugta midig ah, halka Franco Mastantuono, oo 17 jir u dhashay Argentina kana yimid River Plate, loo xilsaaray kuwa lugta bidixda ah.

Go’aanka Alonso ayaa yimid kadib markii kooxda ay xagaagan la wareegtay labada ciyaaryahan. Inkasta oo Real Madrid sidoo kale lasoo wareegtay daafaca Dean Huijsen, haddana Alonso wuxuu go’aansaday inuu laadadka muhiimka ah si buuxda ugu aamino Alexander-Arnold iyo Mastantuono.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in go’aanka Alonso uu muujinayo sida ay uga go’an tahay in uu dhiso koox hufan oo nidaamsan ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka cusub.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football