Alonso Oo Go’aan Kasoo Saaray Mustaqbalka Alaba Ee Real Madrid

Tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo inuu si toos ah ula hadlo David Alaba si uu ugu caddeeyo inuusan ka mid ahayn qorshihiisa xilli ciyaareedka 2025/26.

Sida laga soo xigtay Defensa Central, Alonso ayaa isniinta la kulmi doona Alaba iyo ciyaartoy kale sida Rodrygo, si uu u bilaabo diyaarinta xilli ciyaareedka cusub si hufan. Ujeeddada kulanka ayaa ah in la siiyo ciyaartoyda fariin cad.

Xabi wuxuu Alaba u sheegi doonaa:

“Marka hore, kuma tiirsanin, laakiin haddii aad dooneyso inaad sii joogto, waxaad noqon doontaa ciyaaryahan kale oo kooxda ka tirsan.”

Taasi micnaheedu waa inuusan si toos ah u eryi doonin Alaba, balse sidoo kale uusan u ballan qaadi doonin waqti ciyaareed oo joogto ah. Kooxda ayaa diyaar u ah inay u oggolaato Alaba inuu raadsado koox kale haddii uu rabo.

Alaba, oo heshiiskiisu soconayo ilaa 2026, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan kooxda. Inkasta oo uu doonayo inuu sii joogo, haddana dhaawacyo jilibka ah iyo maqnaanshihiisa joogtada ah ayaa keenay in la shaki galiyo doorkiisa mustaqbalka. Haddii uu baxo, waxa laga yaabaa inuu oggolaado mushaar hoose iyo koox cadaadis yar.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football