Alonso Oo Go’aan Culus Qaatay; Wuxuu Shaki Geliyay Mustaqbalka Rodrygo

Ka maqnaanshaha xiddiga reer Brazil ee Rodrygo Goes kulankii Real Madrid ay la ciyaartay Pachuca wareegga labaad ee marxaladda group-yada ee Club World Cup-ka ayaa dhalisay su’aalo badan, maadaama uu ku bilowday safka hore kulankii furitaanka ee ka dhanka ahaa Al-Hilal.

Wargeyska Marca ayaa sheegay in la yaab laga muujiyay inuusan Rodrigo ciyaarin kulanka Pachuca, iyadoo uu Xabi Alonso si buuxda ugu tiirsanaa ciyaaryahankaas kulankii hore. Inkasta oo tababaruhu uusan si rasmi ah u sharraxin sababta Rodrigo uusan xitaa daqiiqad u helin ciyaarta, haddana arrintani waxay sii kordhisay hubanti la’aanta ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda.

Warar kala duwan ayaa muujinaya in Rodrigo uu dareemayo xasillooni la’aan gudaha kooxda, isla markaana uu u arko inuusan helin qadarin ku filan marka loo eego saaxiibadiis Vinícius Jr, Kylian Mbappé, iyo Jude Bellingham.

Waxaa jira kooxo dhowr ah oo doonaya inay la saxiixdaan Rodrigo xagaagan, iyadoo Arsenal, Manchester City, iyo Bayern Munich ay yihiin kuwa ugu cadcad ee doonaya xiddiga.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football