Kooxda Real Madrid ayaa kulankeeda labaad ee Club World Cup la ciyaari doonta kooxda reer Mexico ee Pachuca habeenimada Axadda. Tani waxay daba socotaa kulankii ay hore ula yeesheen Al Hilal.
Laacibka reer Brazil Vinicius Junior ayaa dhaleecayn la kulmay kadib bandhig aan caadi ahayn oo uu sameeyay kulankii hore. Waxa uu u muuqday mid kalsooni darro heysa, iyadoo sidoo kalena aan laga dareemin tamartii uu caanka ku ahaa.
Tababaraha Real Madrid Xabi Alonso ayaa arrintan kaga hadlay shir jaraa’id. Wuxuu yiri:
“Ma filayo in Vinicius u baahanyahay wax waana ah, waa nin karti badan. Laakiin dhammaanteen waxaan dooneynaa inuu noqdo mid go’aan sameyn kara, sida uu marar badan ahaa.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Waa ciyaaryahan leh qaab aan la saadaalin karin, taasoo ka dhigta mid gaar ah. Marka uu garoonka ku jiro asalkiisa ciyaareed, waa mid muhiim ah.”
Real Madrid ayaa rajo weyn ka qabta in Vinicius uu bandhig wanaagsan sameeyo kulanka Pachuca, si uu uga caawiyo kooxda inay gaarto wareegyada dambe ee tartanka.