Tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa la sheegayaa inuu muujiyay walaac ku saabsan sida ay kooxdu si weyn ugu tiirsan tahay Kylian Mbappe dhanka goolasha, sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska Marca.
Weeraryahanka reer France ayaa dhaliyay 43 gool 56 kulan uu ciyaaray dhammaan tartamada xilli ciyaareedkii hore, taas oo ka dhigan in ka badan 30% guud ahaan goolasha kooxda.
Gaar ahaan La Liga, Mbappe ayaa keligii ka mas’uul ahaa ku dhowaad 40% goolasha Real Madrid. Waxa uu goolka furitaanka dhaliyay 15 kamid ah 21 kulan oo uu gool ka dhaliyay horyaalka, taasoo Madrid u suurtagelisay inay marar badan si degdeg ah ula wareegto hoggaanka ciyaarta.
Si kastaba ha ahaatee, Alonso ayaa la sheegay inuu shaqaalihiisa u sheegay inuusan doonayn in kooxdu hal ciyaaryahan uun ku tiirsanaato xilli ciyaareedka soo socda. Waxa uu doonayaa, sida ay warbixintu sheegtay, in goolasha kooxdu si isku mid ah uga yimaadaan dhowr ciyaaryahan oo kala duwan.
Vinicius Jr., Rodrygo iyo Fede Valverde ayaa la filayaa inay qaataan masuuliyad ka badan sidii hore, halka da’yarka Franco Mastantuono sidoo kale laga yaabo inuu kaalin ka qaato weerarka kooxda, iyadoo Alonso uu dhisayo weerar miisaan leh oo la isku halleyn karo.