Goolhayaha Liverpool, Alisson Becker, ayaa si furan uga hadlay mustaqbalkiisa kooxda isagoo xaqiijiyay in uu hal sano uga haray qandaraaskiisa, iyadoo kooxda sidoo kale haysato ikhtiyaar ay ku kordhin karto sanad kale – taasoo uu filayo inay dhaqan gasho.
“Hal sano ayaa iiga haray qandaraaskeyga, iyo hal sano oo dheeraad ah oo ay kooxda ikhtiyaar u leedahay. Waxay u badan tahay inay fursaddaas isticmaalaan,” ayuu yiri Alisson.
“Waxaan diiradda saarayaa waxa hadda la igu aaminay – inaan shaqo fiican qabto. Waa waqti muhiim ah oo xirfaddayda ah, iyadoo koobka adduunka uu soo dhow yahay,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Alisson, oo ah mid kamid ah goolhayeyaasha ugu wanaagsan adduunka, ayaa la filayaa inuu weli door muhiim ah ka ciyaaro safka Liverpool xilli ciyaareedka soo socda, isagoo sidoo kale isha ku haya inuu hormuud u noqdo xulka Brazil marka ay u diyaar garoobayaan koobka adduunka.