Alexis Sanchez Oo Doonaya Inuu Isaga Tago Manchester United Seddexdaan Sabab Dartood – The Times

Alexis Sanchez ayaa doonaya inuu isaga tago Manchester United wax ka yar sannad ka dib markii uu yimid kooxda.

Sanchez ayaa ku dhibtooday inuu wacdarro ka dhigo Manchester tan iyo markii uu ka soo wareegay kooxda Arsenal bishii Janaayo.

Wargeyska Ingariiska ka soo baxa ee The Times ayaa sheegaya Sanchez uu seddex sababood darteed u nacay noloshiisa Manchester United.

Waxa ay sheegeen in Sanchez ay saameyn xun ku yeelatay inuu burburay xiriirkii kalgaceyl ee kala dhaxeeyay saaxiibtiisii mudada dheer Mayte Rodriguez, tan labaad isma fahmaan asxaabtiisa kooxda iyo tan seddexaad oo ah inuusan jecleyn qaabka maamul ee Jose Mourinho.

Xiddiga reer Chile oo 29 sanno jir ah ayaa ku rafaaday inuu la qabsado Manchester United, waxaana xilli ciyaareedka oo dhan uu dhaliyay hal gool, goolkii soo laabashada ahaa ee uu ka dhaliyay Newcastle.

Waxa uu ahaa mid marna ku jira marna ka maqan shaxda kooxda isbuucyadii u danbeysay, waxaa xitaa laga soo tagay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay West Ham.

Sanchez waxa uu ku soo bilowday labadii kulan ee ugu danbeysay, guulihii ay Bournemouth iyo Juventus ka gaareen, laakiin waa la bedelayay ka hor inta aysan United guusha gaarin xilli danbe.

Waxaa la rumeysnaa inuu shaki ku jirayo ka qeyb qaadashadiisa Manchester Derby ka dib markii uu dhaawac uga baxay kulankii Juventus.

Laakiin Mourinho ayaa sheegay inuusan qabin dhaawac cusub uu ka walwalo isbuucaan, iyadoo Romelu Lukaku uu tababarka ku soo laabtay maanta.