Alexis Sanchez Oo Codsaday Inuu U Duulo Chile Si Uu Daaweyn Ugu Soo Qaato & Jawaabtii Uu Ka Helay Jose Mourinho.

Weeraryahanka Manchester United Alexis Sanchez ayaa dib ugu laabtay dalkiisa Chile kadib markii laga aqbalay codsi uu u gudbiyay kooxdiisa iyo tababarahiisa Jose Mourinho, wuxuuna xiddigaan heerka caalami doorbiday inuu dalkiisa daaweyn kusoo qaato.

Alexis Sanchez ayaa kaliya 4-gool u dhaliyay kooxdiisa isagoo 30-kulan u saftay tan iyo markii uu January kaga soo biiray Arsenal, dhibaato ayaana soo wajahday xiddigan kadib markii loo sheegay inuu muddo lix isbuuc ah garoomada kaga maqnaan doono dhaawac muruqa kasoo gaaray.

Alexis Sanchez wuxuu codsi u gudbiyay tababarahiisa Jose Mourinho, sidoo maamulka kooxda ayuu ka dalbaday in loo ogolaado dib ugu laabashada dalkiisa si uu halkaas daaweyn ugu soo helo isagoo kaashanaya xiriirka kubadda cagta dalkiisa.

Sida lagu daabacay Independent, weeraryahanka ayaa talaadadii ka dagay magaalada Santiago, waxaana la rajeynayaa in shaqaalaha caafimaadka xiriirka kubadda cagta dalkiisa Chile ay kala shaqeyn doonaan soo kabsashadiisa.

Waxaa la fahamsan yahay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Man United iyo xiriirka kubadda cagta koonfurta America, Jose Mourinho ayaana rajeynaya in xiddigaan uu sanadka cusub dib ugu soo laabto kooxda isla markaana waayahiisa wacnaa dib ula soo laabto.