Trent Alexander-Arnold ayaa la hadlay warbaahinta kadib barbarihii 1-1 ay la galeen Crystal Palace kulankii ugu dambeeyay ee Premier League.
Ciyaaryahanka, oo ahaa kulankiisii ugu dambeeyay isagoo xiran maaliyadda Liverpool kahor intuusan ka tagin kooxda, wuxuu yiri:
“Ma aanan ogeyn waxa aan ka filan karo taageerayaasha maanta kadib wixii dhacay dhowr toddobaad kahor markaan soo galay Anfield. Waxaan rabay inaan mar kale u ciyaaro kooxda. Waxaan u sheegay tababaraha, wuuna i aaminay oo wuxuu isoo safay ciyaarta qeybta labaad.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Dareenka aan ka helay taageerayaasha wuxuu ii yahay wax walba. Waxaan u ciyaaray boqolaal kulan kooxda. Weligay ma aanan dareemin jacayl iyo daryeel sidan u weyn sida aan maanta dareemayo. Waxaan rajeynayaa in taageerayaasha kooxdan maalin uun ay garwaaqsan doonaan dadaalkii iyo wax walba oo aan kooxda u huray.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Ma jirto maalin ama daqiiqad aanan ka fikirin kooxda. Laga soo bilaabo markaan jiray lix jir ilaa hadda oo aan ahay lix iyo labaatan jir. Labaatan sano waa waqti dheer. Waxaan ku raaxeystay daqiiqad kasta, kor iyo hoosba. Waxay ahayd sharaf iyo nasiib wanaag inaan qayb ka noqdo kooxdaan.”
Isagoo sii hadlaya wuxuu xusay:
“Waxaan xasuusan doonaa daqiiqadahan inta nolosheyda ka hartay, gaar ahaan maalin sida tan oo kale ah. Waa maalintii ugu wanaagsaneyd ee nolosheyda. Maalin gaar ah oo guul muhiim u ah kooxda iyo nafteyda.”
Markii la weydiiyay waxa ay ka dhigan tahay inuu Liverpool u ciyaaro, wuxuu si cad u sheegay:
“Wax walba. Sidaan horay u iri, waxaan huray wax walba oo aan awooday.”