Alexander Arnold Oo Taageerayaasha Liverpool Kaga Naxsaday Wakhtiga Ay Ku Qaadatay Inuu Ku Barto Afka Spanish-ka

Trent Alexander-Arnold ayaa si daacad ah u sheegay inuu “kaliya laba bilood” baranayay luqadda Isbaanishka, inkastoo uu khudbad si fiican u qoran kaga jeediyay xafladdii lagu soo bandhigayay inuu si rasmi ah ugu biiray Real Madrid toddobaadkii hore.

Difaacii hore ee Liverpool, oo 26 jir ah, ayaa noqday ciyaaryahankii toddobaad ee Ingiriis ah ee metela kooxda Los Blancos, kaddib markii uu kusoo bilowday kulankiisii ugu horreeyay ee Club World Cup oo ay la ciyaareen Al-Hilal, kulan ka dhacay Miami.

Inkasta oo ciyaartaasi ku dhammaatay 1-1, haddana Trent ayaan sameyn bandhig muuqda, taasoo la fahmi karo maadaama uu kaliya lix maalmood ka hor saxiixay heshiiskiisa Bernabeu.

Trent Alexander-Arnold ayaa la hadlaya taageerayaasha kaddib ciyaartii Al hilal wuxuuna yiri:

“Dad badan baa la yaabay Isbaanishkaygii, laakiin runti kaliya laba bilood ayaan baranayay. Weli waan baranayaa. Waxaan rabaa inaan si dhab ah ula qabsado kooxdan cusub iyo dhaqanka halkan.

Xiddiga ayaa sidoo kale ammaan kala kulmay taageerayaal iyo falanqeeyayaal kubadda cagta ah, kuwaas oo la dhacay sida uu si degdeg ah ula qabsaday jawiga kooxda caasimadda Spain.

Inkastoo uusan kulanka dhameysan, hadana Alexander-Arnold ayaa durba muujiyay inuu diyaar u yahay inuu tartan la galo Carvajal, islamarkaana uu si dhakhso ah uga mid noqon karo xiddigaha muhiimka ah ee Xabi Alonso.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football