Trent Alexander-Arnold ayaa markii ugu horreysay u saftay Real Madrid kulankii ay la yeesheen Al Hilal, balse ciyaartaas ayaa ku dhammaatay natiijo aysan ku farxin kooxda reer Spain.
“Waxaa niyad-jab ah in aanan ciyaarta guuleysan. Waa in ciyaaryahanku yeesho maskax guul-doon ah,” ayuu Trent u sheegay warbaahinta kulanka kadib.
“Markaad ciyaaryahan u tahay Real Madrid, waa inaad doonaysaa guul, waana inaad filaysaa inaad guuleysato – ciyaar kasta.”
Kadib markii uu dhowr su’aalood ku jawaabay luqadda Isbaanishka, Trent ayaa si daggan u yiri: “Hadda af-Ingiriis aan ku hadlo. Fadlan iga ogoloow. Wey adag tahay in si buuxda loo feejignaado marka aan ku hadlo Isbaanish, balse maanta waa maalin weyn.”
“Inaan u safto Real Madrid markii ugu horreysay waa wax riyo u ah inta badan ciyaartooyda. Inaan gaaro tan, waa mid farxad weyn ii ah.”
Trent si gaar ah ma uusan u liidan ciyaarta; wuxuu difaac u galay si wanaagsan, wuxuuna bilaabay weerarro ay kooxda si fiican uga faa’iideysatay – mid ka mid ahna wuxuu sababay goolkii kaliya ee ay Madrid dhalisay.