Trent Alexander-Arnold ayaa ka hadlay bixitaankiisa dareenka leh ee Liverpool, isagoo muujiyay sida uu ugu mahadcelinayo kooxda uu 20 sano u ciyaarayay.
“Waligey waxaan u mahadcelin doonaa Liverpool, waxeyna marwalba taa igu ahaan doontaa deen,” ayuu yiri, isagoo ka sheekaynaya waqtigiisii Anfield.
Trent wuxuu qirtay in ka tegista Liverpool ay ahayd go’aan adag, balse uu dareemayay in waqtigu sax yahay si uu u bilaabo caqabad cusub.
Daafaca midig ee reer England ayaa xusay inuu ku raaxaystay wakhtigiisii Liverpool, isla markaana uu jeclaa daqiiqad walba oo uu kooxda u ciyaaray.
Intii uu joogay kooxda, Trent wuxuu ka mid noqday daafacyada midig ee ugu fiican caalamka, wuxuuna ku guuleystay koobab badan isagoo noqday halyeey Liverpool ah.
Si kastaba, wuxuu sheegay inuu hadda yahay nin qaan-gaaray, khibrad leh, isla markaana diyaar u ah inuu guulo ka gaaro meel kale.
Go’aankiisa inuu ka tago Liverpool waxa kaliya oo sababay rabitaankiisa dheer ee uu u qabo Real Madrid.
“Waan ogaa muddo dheer in haddii aan Liverpool ka tagayo, kooxda kaliya ee aan aadi lahaa ay tahay Real Madrid. koox kale ma jirin,” ayuu yiri Trent, isagoo muujiyay sida ay uga go’nayd inuu Liverpool dhiiga u shubo.
Tallaabadan ayaa calaamad u ah cutub cusub oo u billowmaya xirfadiisa, waxaana uu Trent rajo weyn ka qabaa inuu saamayn weyn ku yeesho kooxda Real Madrid.