Trent Alexander-Arnold ayaa si weyn u jeclaanaya noloshiisa cusub ee Real Madrid iyo fursadda uu u helay inuu la ciyaaro qaar ka mid ah khad-dhexe yaasha ugu fiican caalamka.
Ka dib guushii ay ka gaareen Borussia Dortmund, ciyaaryahanka reer England ayaa wax laga weydiiyay dareenkiisa ku aadan inuu si joogto ah ula ciyaaro Jude Bellingham.
Wuxuu u sheegay SportyTV: “Inaad la ciyaarto Jude? Inaad fursad u hesho inaad la ciyaarto mid ka mid ah, ama xitaa kan ugu fiican khad-dhexe ee adduunka waa sharaf weyn. Waxaan si hoose ula socdaa in isaga iyo Fede (Valverde) ay ku tartamayaan hoggaanka khadka dhexe ee kooxda boqortooyada .”
Waxaa si cad u muuqata in Trent uu dareen gaar ah u qaaday Valverde ka dib markii uu arkay bandhigyada cajiibka ah ee uu sameeyay ciyaarihii Koobka Adduunka ee Naadiyada.
Alexander-Arnold ayaa si wanaagsan u ciyaaray tartanka Koobka Adduunka ee Naadiyada ilaa hadda, isagoo ku bilowday dhammaan kulamadii la ciyaaray isagoo la yimid hal caawin.