Kooxda Sucuudiga ah ee Al-Nassr ayaa u calaamadsatay garabka Liverpool Luis Diaz bartilmaameedkooda ugu weyn suuqa kala iibsiga xagaagan, sida laga soo xigtay talkSPORT.
Ciyaaryahanka xulka Colombia, oo ku biiray Liverpool bishii Janaayo 2022 isagoo kaga yimid FC Porto £37.5 milyan, ayaa haatan wada hadal heshiis cusub ah kula jira Reds, iyadoo xiisaha Al-Nassr uu si degdeg ah u sii kordhayo.
Luis Diaz, oo 28 jir ah, ayaa xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Liverpool isagoo ka caawiyay kooxda ku guuleysiga horyaalka Premier League, taasoo sii xoojisay rabitaanka kooxo badan oo doonaya adeegiisa.
Bishihii la soo dhaafay, Diaz waxaa sidoo kale lala xiriirinayay kooxda reer Spain ee Barcelona, iyadoo aabihiis si furan u muujiyay rajo uu ka qabo in wiilkiisa uu mar uun ku biiro LaLiga.
Dalabka Al-Nassr ayaa kusoo beegmaya xilli mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda uu mugdi ku jiro, taasoo keeneysa in kooxda ay si dhab ah u raadiso beddel awood leh.
Waxaa la filayaa in wadahadallo rasmi ah ay bilaabmaan maalmaha soo socda.