Al Nassr Oo Ka Faa’iideysaneysa Is-faham Waaga Luis Diaz Iyo Liverpool

Liverpool ayaa si adag u diiday isku dayga Barcelona ay ku doonayeen inay ku helaan garabka weerarka Luis Diaz, iyagoo ku adkaystay in xiddiga reer Colombia ee 28-jirka ah uusan iib ahayn, sida uu sheegay Ben Jacobs.

Inkasta oo Diaz uu u furan yahay inuu ka tago kooxda maadaama wadahadallada heshiiskiisa uu hakad galay – heshiiskiisa wuxuu dhacayaa 2027 – haddana Liverpool waxay u arkaan inuu yahay ciyaaryahan muhiim ah oo uu tababare Arne Slot ku tiirsan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ka ciyaarta horyaalka Saudi Arabia ee Al Nassr ayaan ka niyad jabin, waxayna diyaarinayaan dalab gaaraya €85 milyan ama ka badan si ay u tijaabiyaan go’aanka Liverpool.

Diaz ayaa dhaliyay 17 gool wuxuuna caawiyay 8 kale 50 kulan oo uu u saftay Reds xilli ciyaareedkii 2024/25, taasoo ka dhigaysa mustaqbalkiisa mid aan wali caddayn.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football