Al Nassr Oo Bartilmaameed Keeda Ugu Weyn Ka Dhiganeysa Xiddig Laf-dhabar U Ah Liverpool Suuqa Xagaaga

Kooxda Al-Nassr ee horyaalka Sacuudiga ayaa bartilmaameedsanaysa weeraryahanka garabka ka ciyaara ee Liverpool, Luis Diaz, iyagoo u arka mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee ay doonayaan xagaagan, sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano.

Luis Diaz ayaa sidoo kale xiiso ka helaya Barcelona, balse suurtogalnimada uu ugu wareegi karo Camp Nou waxay si weyn ugu xiran tahay dalabka dhaqaale ee Liverpool, maadaama Barcelona ay wali la tacaalayso caqabado dhaqaale oo adag.

Al-Nassr ayaa diyaarinaysa qorshe dhismo cusub oo xagaaga ah, iyadoo Luis Diaz iyo daafaca kooxda Feyenoord, David Hancko, ay yihiin labada ciyaaryahan ee ugu sarreeya liiskooda.

Xilli-ciyaareedkan, Luis Diaz wuxuu u saftay Liverpool 50 kulan, isagoo dhaliyay 17 gool, caawiyayna 5 gool kale. Haddii ay Al-Nassr xaqiijiso saxiixiisa, wuxuu noqon doonaa mid kale oo weyn oo ay ku xoojinayaan safkooda si ay ugu tartamaan koobabka maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football