Sida uu weriyey Ben Jacobs, kooxda reer Sacuudi ee Al Hilal ayaa aaminsan inay si weyn ugu dhow yihiin heshiis shakhsi ah oo ay la gaaraan kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes.
Isha warkan ayaa sheegaysa in dareenkan wanaagsan uu yimid kaddib toddobaad ay socdeen wadahadallo togan oo dhex maray wakiilada ciyaaryahanka iyo kooxda, gaar ahaan wakiilkiisa oo u safray magaalada Riyadh.
Bruno Fernandes ayaa weli ka fiirsanaya dalabka, ma ahan oo keliya dhanka dhaqaalaha, balse sidoo kale wuxuu tixgelinayaa arrimo la xiriira qoyska iyo in isbeddelku yahay mid ku habboon mustaqbalkiisa.
Inkastoo Al Hilal aysan weli si rasmi ah u gudbin dalab, haddana waxay rumeysan yihiin in Bruno loo ogolaan doono inuu baxo haddii uu dalbado ka tegista Man United. Kooxda ayaa hore loogu wargeliyey inay diyaar u noqdaan buuxinta shuruud kasta oo ay Manchester United soo bandhigto.