Al Hilal Oo Heshiis Aan La Diidi Karin Usoo Bandhigtay Bruno Fernandes

Al Hilal ayaa u soo bandhigtay Bruno Fernandes heshiis dhan £200 milyan oo soconaya saddex sano, kadib wada-hadal fool-ka-fool ah oo lala yeeshay wakiilkiisa.

Wargeyska Dailymail ayaa sheegaya in wakiilka Bruno Fernandes uu kulan dhowr saacadood qaatay la yeeshay kooxda Al Hilal, kulankaasoo ka dhacay hotelka Four Seasons ee magaalada Riyadh, Sacuudiga. Wadahadalka ayaa socday ilaa habeenkii dambe.

Sida warbixinta lagu sheegay, Al Hilal ayaa diyaar u ah inay afar laab ka dhigto mushaarka Bruno ee uu ka helo Manchester United. Guud ahaan, heshiiska waxaa ku jira mushaar iyo gunnooyin, taasoo ka dhigeysa qiimaha heshiiska mid gaaraya £200 milyan muddo saddex sano ah.

Hadda waxa la aaminsan yahay in go’aanku ku jiro gacanta Bruno Fernandes. Haddii uu ogolaado, Al Hilal ayaa diyaarin doonta dalab rasmi ah oo gaaraya £100 milyan oo ay u gudbin doonaan Manchester United.

Kooxda Premier League-ka ah ee Man United ayaa sheegtay inaysan doonayn inay iibiso laacibka, balse waxa haysta culays dhaqaale oo xooggan, maadaama ay mar kale ka baaqsadeen in ay u soo baxaan tartanka Champions League.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football