Addoonsiga Afrikaanka: FIFA Oo Baadhaysa Addoonsi Dadban Oo Manchester City Ku Samayso Ciyaartoyga Da’da Yar ee Afrika

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa baadhitaano ku samaynaya naadiga Manchester City oo qaab addoonsi oo kale ah ku qafaasha ciyaartooyada da’da yar ee kasoo jeeda qaaradda Afrika, kuwaas oo ay u dhigtay dabin lacag la’aan ay ku soo qaadanayso iyadoo koox kale sii dhex-maraysa.

Sida uu daabacay wargeyska Politiken ee kasoo baxa Denmark, Manchester City ayaa heshiis kula gashay kooxda reer Danmark ee FC Nordsjaelland inay usoo afduubto ciyaartooyada da’da yar ee kasoo jeeda qaaradda Afrika oo ay qaab-bilaash ah ugu geyso, waxaana uu heshiiskaasi dhacay sannadkii 2016.

Warbaahinta BBC, ayaa sheegtay in warkan ceebta ah ay xidhiidh kala samaysay madaxda Manchester City laakiin looga jawaabi waayey, hase yeeshee heshiiska ayaa dhigaya in ciyaartooyo da’yar ay FC Nordsjaelland kasoo qaaddo qaaradda Afrika oo ay ku darto kulliyaddeeda Dream Academy sannadaha u dhexeeya 2016-2020, muddadaasna ay Man City xor u tahay inay si xor ah ku qaadato ciyaartoyga ay doonto ee Afrikaan ah ee kulliyadda ku jira.

Warku ma sheegin in ciyaartooyada reer Afrika ee City ay bilaashka ku qaadato ay siinayso lacag mushahar ah iyo in kale, hase yeeshee madaxweynaha naadiga FC Nordsjaelland oo lagu magacaabo Tom Vernon ayaa u sheegay wargeyska Politiken in aanu jirin ciyaartoy la qasbay illaa hadda oo afduub lagu geeyey Man City.

“Waxa aanu ku kalsoonahay inaanu u hoggaansanahay shuruucda kubadda cagta, laakiin aanu xaq u leenahay maamulidda kulliyadda da’yartayada ee Right to Dream” sidaas waxa yidhi Tom Vernon.

Heshiiska ay FC Nordsjaelland la gasho ciyaartooyada Afrika ayaa waxa mulkiile dhinac saddexaad ah ka noqonaysa Manchester City, waxaanay taasi ka hor imanaysaa sharci ay FIFA sannadkii 2015 ku mamnuucday in dhinac saddexaad mulkiile ka noqdo ciyaartoy.

Fadeexaddan ayaa soo baxday maalmo kaddib markii wargeyska Jarmalka ah ee Der Spiegel uu faafiyey faddeexad ku saabsan heshiisyo la buunbuurniyey oo Manchester City ay ku khiyaamaysay sharciga ilaalinta dhaqaale wanaagga ee FFF.

Fadeexaddaas ayaa waxay oo bandhigtay dhukumentis sannadkii 2013 ay Manchester City qaab been abuur ah kor ugu qaadday heshiisyo ay kula jirtay shirkado kaas oo si ay FIFA u tusto lacag badan oo soo gashay ay si been ah ugu dartay  £9.9 milyan oo ahayd dakhli aan soo gelin.

Mulkiilaha City ee Sheikh Mansour ayaa isaguna dhaqaale toos ah xisaabtooda ugu shubay Manchester City, taas oo iyaduna ka hor imanaysa sharciga dheelli-tirka dhaqaale wanaagga.

Si kastaba ha ahaatee, FIFA ayaa warkan u dambeeyey ee addoonsiga Afrikaanka ku samaynaysa baadhitaan, waxaana laga dhur-sugi doonaa waxa kasoo baxa.