Aabbaha Rodrygo Oo War Weyn Kasoo Saaray Mustaqbalka Wiilkiisa Ee Real Madrid

Mustaqbalka Rodrygo Goes ee Real Madrid ayaa weli aan la xaqiijin, iyadoo laacibkan reer Brazil uu wajahayo waqti adag oo dhinacyo badan ah – ciyaar ahaan iyo nolol ahaanba. Sida laga soo xigtay The Athletic, aabihiis oo ah wakiilkiisa, Eric Goes, ayaa iska diiday dhowr dalab oo ka yimid kooxaha Premier League, waxaana si gaar ah u xiisaynayay Arsenal.

Arsenal ayaa u aragta Rodrygo inuu noqon karo xiddig muhiim u ah qorshahooda, gaar ahaan isagoo ka ciyaaraya garabka bidix oo leh xorriyad uu goolal ku dhalin karo – boos ka duwan midka midig ee uu inta badan kaga ciyaaro Madrid. Inkastoo Gunners ay diyaar u yihiin inay sugaan go’aanka Rodrygo iyo mowqifka Madrid, waxay og yihiin ineysan sugiddu noqon karin mid waqti dheer qaadan karta.

Rodrygo ayaa ka mid ah garab weeraryahanada ay Arsenal doonayso xagaagan, iyadoo sidoo kale xiiseynaysa Anthony Gordon (Newcastle) iyo Nico Williams (Athletic Bilbao).

Dhanka kale, Rodrygo laftiisa ayaa sheegay inuu doonayo inuu si toos ah ula hadlo tababaraha cusub ee Madrid, Xabi Alonso, kahor inta uusan gaadhin wax go’aan ah. Alonso, oo xilka qabtay bishii June, ayaa xaqiijiyay inuu qorsheynayo la kulanka dhammaan ciyaartoyda si uu u dhiso xiriir shaqo oo wanaagsan.

Wararka laga helayo xerada tababarka Madrid waxay tilmaamayaan in Rodrygo uu muujinayo dabeecad wanaagsan tan iyo markii uu Alonso yimid, iyadoo tababaraha u muujiyay ixtiraam iyo kalsooni. Si kastaba, ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in tani aysan weli damaanad qaadi karin inuu Rodrygo sii joogo kooxda.

June 10, Rodrygo ayaa bartiisa bulshada kusoo qoray eray kooban oo ahaa: “FELIZ” (ku faraxsan), taasoo ahayd markii ugu horreysay ee uu tababar la qaato Alonso.

Wuxuu bilow fiican la yeeshay tababaraha cusub markii uu caawiye ka noqday ciyaartii furitaanka Club World Cup ee ay la ciyaareen Al Hilal (1-1), hase yeeshee maqnaanshihiisa kulamadii xigay ayaa si weyn u sii kiciyay hadal heynta ku saabsan mustaqbalkiisa.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football