Luis Manuel ‘Mane’ Diaz, aabaha garabka Liverpool ee Luis Diaz, ayaa ka hadlay jaceylka uu wiilkiisu u qabo kooxda Barcelona, taasoo sii xoojisay wararka sheegaya inuu u wareegi karo kooxda reer Catalonia.
Wareysi uu bixiyay sanadkii 2023 kadib markii Luis Diaz laga sii daayay afduub loo geystay, Mane Diaz wuxuu u sheegay Win Sports: “Waa run in Luis uu taageere daacad ah u yahay Barcelona, waana riyo haddii uu halkaa ku biiro. Laakiin hadda, waa in aan u mahadcelinaa Porto iyo Liverpool sida ay u soo dhoweeyeen Luis oo kale. Waa ciyaaryahan wax ku hela shaqsiyaddiisa, is-hoosaysi iyo dadaalkiisa. Wuxuu wax walba u huraa garoonka – waa ciyaaryahan aad u nidaamsan.”
Wuxuu sidoo kale rajeeyay in wiilkiisu mar uun xiran doono maaliyadda Blaugrana: “Haddii fursad u timaado ‘Lucho’ inuu aado Barcelona, wax dhiba ah ma jirto – waa koox heer sare ah oo ka mid ah kuwa ugu wanaagsan dunida.”
Luis Diaz, oo 28 jir ah, ayaa noqday bartilmaameed muhiim u ah agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona Deco iyo tababare Hansi Flick, iyadoo kooxda ay raadineyso xoojinta weerarka kadib bixitaanka la filayo ee Ansu Fati iyo Pau Victor. Diaz oo caan ku ah ciyaarista garabka bidix iyo dhexda weerarka, wuxuu si weyn u caawin karaa weeraryahanada hadda kooxda jooga sida Lewandowski, Raphinha iyo xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal.