Aabbaha Lamine Yamal Oo Si Dadban U Weeraray Nico Williams Kadib Go’aankii Uu Ku Diiday Barcelona

Aabbaha Lamine Yamal ayaa si dadban u weeraray Nico Williams kaddib markii uu si lama filaan ah heshiiskiisa u cusbooneysiiyay.kooxda Athletic Bilbao ayaa laacibka la gaartay heshiis soconaya illaa sanadka 2035.

Go’aanka 22-jirka reer Spain uu kaga haray suurtagalnimadii uu ugu wareegi lahaa Barcelona ayaa si weyn u niyad-jebisay taageerayaasha Blaugrana, kuwaasoo muddo sugayay saxiixiisa.

Mounir Nasraoui, oo ah aabbaha Lamine Yamal, ayaa bartiisa Instagram soo dhigay sawir emoji oo qalbi jab ah oo ku lamaanan astaanta Barcelona, wuxuuna hoos ka raaciyay heesta “Can’t Trust” ee fanaanka Skinny Flex, taasoo si dadban loola xiriiriyay xballan ka baxa Nico Williams.

Waxaa la ogyahay in Yamal iyo Williams ay yihiin saaxiibo dhow, waxaana Yamal horay u muujiyay doonistiisa ah in Nico uu kusoo biiro Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka lama filaanka ah ee Williams ee ugu sii nagaaday Bilbao ayaa sababtay caro iyo kaftan badan oo ka qarxay baraha bulshada — taageerayaasha Athletic Club ayaa ku faanay go’aanka xiddiga halka kuwa Barca ay muujiyeen niyad-jab.

Waxaa la sheegay in maamulka Barcelona uu dareemayo in si aan sharaf lahayn loola dhaqmay, maadaama ciyaaryahanku horey u muujiyay rabitaankiisa ku aaddan Camp Nou, balse ugu dambeyn si qarsoodi ah heshiis ula gaaray kooxdiisii hore.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football