25 Sawirro Oo Muujinaya Naceybka Soo Jireenka Ah Ee Ka Dhaxeeya Kooxaha Manchester United Iyo Manchester City

Manchester City iyo Manchester United ayaa markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan iska horimaanaya maalinta Axada, dabcana taageerayaasha labada kooxood ma noqon doonaan kuwa saaxiibo ah oo ciyaarta kuwada riyaaqa.

90ka daqiiqo ee ciyaarta waxaa la filayaa in codka jamaahiirta labada kooxood uu noqdo mid aan kala joogsi laheyd iyagoo heeso caan ah isagi jawaabi doona, waana qeyb ka mid ah colaada soo jireenka ah ee ka dhaxeysa qeybta casaanka iyo qeybta buluuga ee magaalada Manchester.

Laakiin muddo sannado ah qeybta casaanka ee Manchester ayaa dusha ka heysatay qeybta buluuga iyagoo guulo ka gaarayay horyaalka iyo weliba Yurub, taasoo ka dhigi jirtay taageerayaasha City kuwa isqariya.

Laakiin kulanka Manchester Derby waxa uu haatan noqday mid muhim u ah labada kooxood laga soo bilaabo 1dii September 2008, waana taariikh gabi ahaanba bedeshay xafiiltanka labada kooxood.

Waa maalintii ay shirkada Abu Dhabi United Group ee uu leeyahay Sheikh Mansour ay City ka iibsatay ra’isal wasaarihii hore ee Thailand Thaksin Shinawatra.

Lacag xoogan oo la geliyay City ayaa wax ka bedeshay garoonkeeda iyo adeegyadeeda kale, ciyaartoy waa weyn ayaa kooxda yimid, ugu danbeyna koobab ayay heleen.

Tan iyo markaan taageerayaasha United ayaa noqday kuwa gacan ku gabad ah iyadoo taageerayaasha City ay ku riyaaqayeen guulahooda.

Kulan kasta oo Manchester Derby waa mid xiiso badan leh, waxaana soo bandhigay taageerayaasha labada kooxood sida kaaga muuqata 25ka sawir ee aan idiin soo gudbinay.

Manchester Derby
Inkastoo bishii Oktober barbaro lagu caaajisay ay ku dhamaatay jaamahiirta xamaasadooda ayaa xiiso laheyd
Manchester Derby
Taageerayaasha Man United oo ku riyaaqaya guushii ay City ka gaareen bishii April 2015
Manchester Derby
Jamaahiirta Man City oo ku riyaaqaya guushii ay United ka gaareen November 2014
Manchester Derby
Jamaahiirta City oo daan-daansanaya kuwa United ka dib ciyaarta
Manchester Derby
Xiisada oo cirka isku shareertay markii United ay 3-2 ku garaacday City bishii December 2012
Manchester Derby
Taageerayaasha United oo dabaaldega Poznan ee City sameynaya bishii Janaayo 2012
Manchester Derby
Taageerayaasha City oo daan-daansanaya kuwa United xitaa iyagoo laga badiyay
Manchester Derby
Taageerayaasha City oo guushii 6-1 ay ka gaareen United xusuusanaya seddex bilood ka dib
Manchester Derby
Dagaal ayaan diyaar u nahay
Manchester Derby
Taageerayaasha City oo carro iyo qeylo ku soo dhaweeyay baska Red Devils
Man United fans
Taageerayaasha United oo ku maadeysanaya kuwa City ka dib markii Scholes uu dhaliyay goolka guusha sannadii 2010
City fans
City oo soo bandhigtay boor ay ku qoran “Jeclow Glazer , Necbow United” Taasoo lidi ku ah boorka United ee “Necbow Glazer,. Jeclow United”
United fans
Old Trafford waxaa surnaan jiray boorkaan oo lagu xisaabinayay inta sannadood ee City koob ugu danbeysay
Etihad Stadium
Boliiska oo kala celinaya taageerayaasha City iyo United ka dib lugtii 1aad ee semi-finalka League Cup ee 2010
United fans
Taageerayaasha United oo dayaxa buluuga uga jawaabay holoc casaan ah
City fans
Jamaahiirta City oo ku maadsanaya Sir Alex Ferguson iyo sida uu daqiiqadaha dheeriga u dalban jiray
Gary Neville
Neville oo ku hor ordaya jamaahiirta City ka dib markii Michael Owen goolka guusha u dhaliyay 2009
United fans
Boor ka tarjumaya guulaha Man United oo Old Trafford lagu soo bandhigay xilli ay soo booqaneysay City sannadii 2009
Rooney
Rooney oo xusuusinaya taageerayaasha City cida horyaalka heysata sannadii 2008
Rooney
Taageerayaasha City oo argagax gelinaya Rooney kulankiisii ugu horeysay ee Manchester Derby
City fans
Taageerayaasha City oo fariin u diraya Sir Alex Ferguson
Old Trafford
Boliis xoog leh oo la kala dhex dhigay taageerayaasha labada kooxood kulankii Old Trafford ee 2003
Taageerayaasha City oo ku camirtay Gary Neville kulankii ugu danbeeyay ee garoonka Maine Road lagu ciyaaro sannadii 2002
Taageerayaasha United oo ku maadeysanaya xiddigii Man City Niall Quinn sannadii 1995

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.