Zlatan Ibrahimovic Oo Si Buuxda U Saadaaliyay Natiijooyinka Heerka Groupyada Koobka Aduunka Iyo 16-ka Xul Qaran Ee Uu Wareega Xidiga U Soo Saaray.

Waxaa khamiista dalka Russia si rasmi ah uga furmi doona koobka aduunka waxaana inta aanu koobkani bilaamin saadaal buuxda ka bixiyay halyayga ree Sweden ee Zlatan Ibrahimovic wuxuuna saadaaliyay natiijada kulamada heerka groupyada iyo waliba 16ka xul qaran ee uu aaminsan yahay in ay wareega xidiga u soo bixi doonaan.

Zlatan Ibrahimovic ayaa natiijada ugu wayn u saadaaliyay xulka qaranka Belgium isaga oo tilmaamay in ay 8-0 ku garaaci doonaan Panama waxa kale oo uu saadaaliyay in Spain ay 3-1 ku garaaci doonto xulka qaranka Portugal ee kulanka furitaanka Group B.

Haddaba waxaanu halkan si buuxda idiinku soo gudbinaynaa saadaasha uu Zlatan Ibrahimovic ka sameeyay koobka aduunka oo natiijada kulamada iyo waliba min labada xul qaran ee group kasta ka soo bixi doonaa ay raacsan yihiin halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Ibrahimovic ayaa saadaashiisa ku sheegay in xulalka waa wayn ee Yurub ay u soo wada gudbi doonaan wareega 16ka kooxood ee koobka aduunka isaga oo 11 wadan oo Yurub ah u saadaaliyay in ay ka mid noqon doonaan 16ka xul qaran ee koobka aduunka ku sii dagaalami doona.

Waxyaabaha qariibka ah ee saadaasha Ibrahimovic ka soo muuqday waxaa ka mid ah in xulka qarankiisa Sweden uu u saadaaliyay in ay wareega xidiga u soo bixi doonaan balse aanu hal xul qaran oo Afrikan ahi soo gudbi doonin.

Xulalka South America ee Brazil, Argentina, Uruguay iyo Colombia ayaa Ibrahimovic saadaashiisa ugu soo baxay wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka.

Saadaasha Natiijooyinka Kulamada Group A Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Ka Soo Bixi Doona:

Group A
1) Russia
2) Uruguay

Saadaasha Natiijooyinka Kulamada Group B Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Ka Soo Bixi Doona:

Group B
1) Spain
2) Portugal

Saadaasha Natiijooyinka Kulamada Group C Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Ka Soo Bixi Doona:

Group C
1) France
2) Denmark

Saadaasha Natiijooyinka Kulamada Group D Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Ka Soo Bixi Doona:

Group D
1) Argentina
2) Croatia

Saadaasha Natiijooyinka Kulamada Group E Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Ka Soo Bixi Doona:

Group E
1) Brazil
2) Switzerland

Saadaasha Natiijooyinka Kulamada Group F Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Ka Soo Bixi Doona:

Group F
1) Germany
2) Sweden

Saadaasha Natiijooyinka Kulamada Group G Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Ka Soo Bixi Doona:

Group G
1) Belgium
2) England

Saadaasha Natiijooyinka Kulamada Group H Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Ka Soo Bixi Doona:

Group H
1) Colombia
2) Japan

Haddaba akhriste sideed u aragtaa saadaasha natiijooyinka koobka aduunka ee uu Ibrahimovic bixiyay iyo waliba 16ka xul qaran ee uu aaminsan yahay in ay wareega xidiga u soo bixi doonaan?

7 Comments

  1. Zlatan aragtidiisa ayuu ka hadlay layaab malaha waa bina aadam sida isagu u dhigay waxbdan ayaa iskabadali kara in sha allaah aniga isaga kuma raacsani waad mahadsantihiin Laacibnet.net libaax nin aan aqoonbaa lax karita

  2. Zlatan aragtidiisa ayuu ka hadlay layaab malaha waa bina aadam sida isagu u dhigay waxbdan ayaa iskabadali kara in sha allaah aniga isaga kuma raacsani waad mahadsantihiin Laacibnet.net

  3. Nin wax saadaalinyaqaan maahan ninkaan,waxaan orankaraa Zlatan waa Ciyyey kaliya

    • War waa qabyaaladiiste kulahaa sweden way so baxaysaa teamam kii africa dhan wuxui dhahay way harayaan xataa kuwii islamka ahaa wuu reebay

  4. Good waa ku raacsanahay saadaasha uu bixiyay weeraryahankii hore ee war Anna swedan zlatan ibrahimovic Laski in afrika maxuu boos uga waayay lugta 16 ee koobka aduunka 2018

Comments are closed.