Zlatan Ibrahimovic Oo Ka Aragti Dhiibtay Messi Iyo Ronaldo Kahor Koobka Aduunka Iyo Waxa Laga Filan Karo Inta Uu Socdo Tartanka

Zlatan Ibrahimovic aad ayuu ugu faraxsan yahay in Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay ka qeybgalaan koobka aduunka, laakiin DAAL ayaa sabab u noqon kara in aysan jamaahiirta ku raaxeysan bandhigyadooda, waa sida uu qabo.

Xiddigga Barcelona marar badan ayuu ku fashilmay koobka aduunka, oo wali uma suurtagalin in uu gacanta ku dhigo.

Ronaldo isaga waxaa soo maray ol’ole la yaab leh, 44 gool ayuu dhaliyey dhammaan tartamada isaga oo u sahlay Real Madrid hanashada Champions League-gii saddexaad oo xiriir ah.

Ibrahimovic isagu waxa uu aaminsan yahay in Messi iyo Ronaldo saameyn yeelan doonaan waa haddii aysan ka soo muuqan daalkii ay ka qaadeen ol’olihii dheeraa.

“Xasuuso  ma aha dheel shaqsi waxa aan dheeleyno, laakiin waa ciyaar kooxeed,” ayuu Ibrahimovic u sheegay FIFA.com.

“Waxaan qabaa Neymar, kaddib dhaawicii soo gaaray iyo soo laabashada, waxa uu lahaan doonaa baahi badan oo dheesha ah taas ayaana sare u qaadi doonta kooxdiisa weyna la riixi doonaan.

“Waxaan arkaa Messi, sawirka waa caadi: Waa kan ugu wanaagsan kooxduna wey raaceysa.

“Ronaldo, waa isla sidaas. Aan aragno waxa dhaca. Waa ol’ole dheer.

“Ciyaaryahanada waxa ay dheelayeen 10 ama 11 bilood hadana waa heerkii ugu dambeeyey.

Aan aragno kii jidh ahaan iyo maskax ahaan 100% ah. Waxyaaahaas waa go’aamiyeyaal.

“Macne ma sameyneyso sida aad xirfadle u taay haddii aadan 100% caafimaad qabin.”