Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay Halista In Kaadh Cas Oo Ay Ciyaartoydiisu Qaataan Koobka Kooxaha Aduunka Ay Ku Deegi Karaan El Clasico Iyo Waxyaabihii Kale Ee Uu Ka Hadlay.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Dec 12, 2017

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka koobka kooxaha aduunka Club World Cupka ee ay la ciyaari doonaan kooxda Al Jazira. Zidane ayaa si gaar ah uga hadlay halista ciyaartoyda kooxdiisa Real Madrid ay ku wajihi karaan ganaax kulanka El Clasico-da haddii ay kaadhka cas qaataan inta ay ku jiraan Club World Cupka.

Sharciga FIFA ee Club World Cupka ayaa dhigaya in ciyaartoygii kaadhka cas ku qaata kulamada Club World Cupku uu ganaax ku seegi karo kulamada maxaliga ah ee horyaalada ay kooxuhu ka tirsan yihiin waxayna Madrid maanka kuhaysaa in kulanka  El Clasico ay seegi karaan haddii ay casaan qaataan.

Zidane ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka Al Jazira oo uu tilmaamay in aanu ahayn sida ay dadku u arkaan mid aad u sahlan wuxuuna sidoo kale dareenkiisa ka dhiibtay in muuqaal caawiyaha garsooraha ee VAR loo adeegsan doono kulamadan tartankan iyada oo xili ciyaareedka danbe laga hirgalin doono horyaalka La Liga.

 

Zidane oo ka hadlaya ganaax ay ciyaartoydiisu ku maqnaan karaan El Clasico haddii ay kaadhka cas qaataan kulamada Club World Cupka ayaa yidhi: “Waa wax dhici kara isla markaana ciyaartoydu taas maskaxda ayay ku hayaan. Waa wax yara adag in kaadhka cas ee Club World Cupku uu saamayn ku yeesho horyaalka, laakiin anigu wanaag ayaan ka dareemayaa, waxaanan ogahay in ayna waxba dhici doonin oo ay ciyaartoyda oo dhami diyaar u noqon doonaan Barcelona”.

Zidane oo ka hadlaya tartanka koobka kooxaha aduunka ayaa yidhi: “Waxa kaliya ee aanu ka fikirayno hadda waa koobka kooxaha aduunka. Waxaanu samayn doonaa waxa ugu fiican ee aanu tartanka ugu guulaysan karno, laakiin wax sahlan ma noqon doonto, ugu horayn waa in aanu finalka soo gaadhno”.

Zidane oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Sidii sanadkii hore ma aha maadaama oo farqi waqti yar ahi u dhexeyo taas oo ah wax anaga noo fiican. Laba maalmood ayaanu tababarka qaadanay isla markaana waxaanu darisnay kooxda naga soo horjeeda sidii caaada ahayd, laakiin waxa ugu muhiimsani waa waxa aanu doonayno in aanu samayno”.

Tababare Zinedine Zidane ayaa ku dooday in kulanka ay barri ciyaari doonaan aanu u sahlanayn sida ay dadku u arkaan wuxuuna yidhi: “Waxaanu haysanaa afar dhamaad ay dadku sheegayaan in uu sahlan yahay laakiin anigu sidaa ma filayo. Dhamaantayo waxaanu doonaynaa in anau kulan wayn ciyaarno, waana sababta ay tahay in aanu diirada u saarno”.

Ugu danbayn Zidane ayaa hadlay muuqaal caawiyaha garsoore ee VAR oo kulamada FIFA la isticmaalo waqti xaadirkan iyada oo Club World Cupka iyo koobka aduunka loo adeegsan doono wuxuuna yidhi: “Technology -ga waxaa loo keenay si uu wax horumar u sameeyo, haddii aynu faah faahinta u galno waxaa jira waxyaabo aanan anigu jeclayn. Waa mawduuc ay tahay in si qodo dheer looga hadlo isla markaana hadda ma aha waqtigii”.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Mirecabdulahi cali cabdi 13-12-2017 at 7:19 am -

    Guuul real madrid