Zinedine Zidane Oo Haddaba Agaasimayaasha Man United U Sheegay Xidiga Ay Waajibka Tahay In Old Trafford La Keeno Si Uu Mourinho Badal Ugu Noqon Karo.

Waxaa aad u sii xoogaysanaya wararka Manchester United la xidhiidhinaya tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane kaas oo dhawaan si cad u sheegay in si deg deg ah uu ugu soo laaban doono garoomada kubbada cagta, waxayna warbaahinta dalka France shaaciyeen hal ciyaartoy oo uu Zidane shardi kaga dhigay imaatinkiisa Old Trafford.

Inkasta oo hore loo soo saaray liiska ciyaartoyda uu Zinedine Zidane ka doonayo Manchester United haddii ay dhacdo in uu Jose Mourinho badalo, haddana waxaa si gaar ah loo calaamadiyay hal ciyaartoy oo uu Zidane haddaba kala hadlay agaasimayaasha Man United oo uu ka dalbaday in Old Trafford la keeno si uu kooxda u qaban karo haddii ay doonayaan.

Wargayska Le 10Sport oo dalka Faransiiska ka soo baxa ayaa shaaciyay in Zidane uu haddaba agaasimayaasha Man United u sheegay sida uu u doonayo Antoine Griezmann kaas oo lagu heli karo 200 milyan euros isla markaana waqti dheer bartilmaameed u ahaa Manchester United.

Le 10Sport ayaa sheegay in Zidane uu maamulka kooxda Man United ku wargaliyay in saxiixa kowaad looga dhigo xidiga kooxda Atletico Madrid iyo xulka qarankiisa France ee Antoine Greizmann kaas oo heshiis cusub oo waqti dheer ah saxiixay maalmo ka hor koobkii aduunka ee uu Russia ugu soo guulaystay.

Inkasta oo uu Griezmann si layaableh iskaga diiday dalabyo qaali ah oo uu ka helay kooxaha Manchester United iyo Barcelona, ayuu haddana wargayska AS sheegay in Griezmann uu soo dhawayn karo fursada uu kaga hoos shaqayn karo halyayga xulka qarankiisa France ee Zidane.

Si kastaba ha ahaatee, warka Le 10Sport uu ku shaaciyay in haddaba uu Zidane maamulka kooxda United uu ku wargaliyay in Griezmann looga dhigo saxiixa kowaad ayaa dabka ku sii shidaya wararkii markii horeba Zidane la xidhiidhinayay kursiga kulul ee uu hadda Mourinho ku fadhiyo.

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Wax kle what the coach, zidane libaax welcome Manchester United,kaadiyow waaba ku dhici donaa dad bdn,🔥 🔥 🔥 man united Ka cabsada ❤❤❤

Comments are closed.