Zinadine Zidane Oo Weeraray Madaxweynaha Dalkiisa France Ee Francois Hollande Oo Eedeeyay Karim Benzema

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Oct 18, 2016

Macalinka kooxda Real Madrid Zinadine Zidane ayaa eedeeyay madaxweynaha dalka France ninka lagu magacaabo Francois Hollande oo weerar ku qaaday dhamaadkii todobaadkii h--e ee weeraryahanka Real Madrid iyo xulka France Karim Benzema.

Benzema ayaa wali dhexda kaga jira ceebta ah inuu ku lug lahaa filin dhaqan xumo ah oo laga duubay kubada sameeyaha kooxda Olympique Lyonne Mathieu Valbuenna waxaana si joogta ah u eedeynayay madaxda dalka France.

Zidane oo saxaafada la hadlayay ka hor kulankooda caawa ee Liega Warzaw ayaa yiri “Wey i dhibeysa in qof uu ka hadlo ciyaartooydeyda, waan ka xumahay Francois Hollande uu ka hadlo wax aan isaga culeys ku heynin ama aan howshiisa aheyn”.

zidane

Dhanka kale Zizou oo ka hadlayay kulanka ay caawa kooxdiisa la leedahay Liega ayaa yiri “Waa inaan iska ilownaa natiijnadii ugu danbeysay ee 6-1 ka aheyd, ma jirto koox ugu cadcad kulankaan sababtoo ah waa 50-50 kulanka”.

“Dadaal ayaa la inooga baahan yahay si aan guul u soo xaqiijisano kulankaan waayoo waxaan dooneynaa inaan kaalinta koowaad uga dhameysano groupkeena”.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. felix 18-10-2016 at 12:32 pm - Reply

    waa sax hadalka zizou

Leave A Response