YAAB! Madax Waynaha Xidhiidhka Kubbada Cagta Argentina Ee Claudio Tapia Oo Sheegay In Ay Messi Ka Dalbadeen In Uu Si Sahlan Ama Wax Yar Ugu Ciyaaro Barcelona.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Feb 13, 2018

Madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta dalka Argentina ee Claudio Tapia ayaa sheegay hadal u muuqda mid colaad ka dhex abuuri kara maamulkiisa iyo kooxda Barcelona kadib markii uu sheegay in Lionel Messi ay ka dalbadeen in uu wax yar ama si sahlan ugu ciyaaro kooxdiisa si uu koobka aduunka ugu soo bandhigi karo qaab ciyaareed fiican.

Dooda in Lionel Messi aanu isku mid ahayn marka uu Barcelona u ciyaarayo iyo marka uu xulka qarankiisa u ciyaarayo ayaa hadda u muuqata in ay heer kale gaadhay iyada oo Claudio Tapia uu soo bandhigay war ayna jeclaysan doonin maamulka iyo jamaahiirta kooxda Barcelona.

Dhawr bilood oo kaliya ayaa ka hadhsan waqtiga loo safri doono dalka Russia halkaas oo uu badhtamaha sanadkan ka furmi doono koobka aduunku, laakiin Claudio Tapia ayaa muujiyay sida uu ciyaartoyda xulka qarankiisa Argentina uga doonayo in ay naftooda daryeelaan ka hor tartankan.

Claudio Tapia oo ciyaartoyda kooxda qarankiisa Argentina ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan rajaynayaa in dhamaaan ciyaartoydu ay haysan doonaan qaab ciyaareed la mid ah ka ay hadda ku jiraan. Sergio Aguero si fantastik ah ayuu u ciyaarayaa, Lionel Messi markasta wuu xoogan yahay”.

Claudio Tapia oo ka hadlaya in Lionel Messi ay ka dalbadeen in uu in yar u ciyaaro Barcelona ayaa yidhi: “Kan waxa uu muhiim u yahay tababarayaasha iyo agaasimayaasha, waxaanu Messi kala hadalnay in uu naftiisa daryeelo oo uu in yar  u ciyaaro Barcelona”.

Dhinaca kale madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta Argentina ee Claudio Tapia ayaa cadeeyay in Jeun ay kala xaajoodeen in kulan saaxiibtinimo ay wada ciyaaraan xulalka qaramada Argentina iyo Catalonia isla markaana ay taasi suurtogal tahay.

Claudio Tapia oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Jorge Sampaoli waxa uu sheegay in ay fikrad fiican tahay oo heerka kubbada cagta ah, anaga ahaan sidoo kale muhiim ayay dhaqaale ahaan noo tahay”.