Xulka Spain Oo Rigooreyaal Kaga Qaaday England Koobka Qaramada Yurub Ee Dhalinyarada 17-jirada.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Xulka Spain ayaa ku guuleystay koobkii qaramada qaaradda yurub ee dhalinyrada 17-jirada kaas oo si xiiso leh loogu soo afjaray dalka Croatia kadib markii ay rigooreyaal ku dileen dhigooda England.

Wiilka badalka kusoo galay ee Nacho Diaz ayaa guul u diiday England daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta markii uu madax ku barbareeyay.

Si kastaba Aidan Barlow ayaa rigooradii ugu horeysay gool u badalay xulka qaranka England, ka hor inta aysan laba rigoore oo shabaqa soo taabsiin Abel Ruiz iyo Mateu Morey.

Rhian Brewster ayaa qasaariyay rigooradii labaad ee qaranka England mar kale Latibeaudiere ayaa birta ku dhuftay rigooradii sadexaad ee qaranka sadexda libaax, balse nasiib wanaag labadii rigoore oo ay lahaayeen Spain wey dhaliyeen taasoo ka dhigtay in 4-1 loogu awood sheegto England iyado ay xusid mudan tahay in rigoorooyinka loo tuuray qaabkii cusbaa ee dhawaan lasoo saaray.

DAAWO SAWIRADA:

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments