Xulka Qaranka Nigier Oo Guul Soo Laabasho Layaableh Ka Gaadhay Argentina Oo Laba Gool Ku Hormartay Iyo Alex Iwobi Oo Laba Gool Dhaliyay.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 14, 2017

Xulka qaranka Nigeria ayaa guul layaableh oo soo laabasho ah ka gaadhay xulka qaranka Argentina oo qaybtii hore ee kulankan u muuqday kuwo guul wayn ka gaadhaya Nigeria maaadaama oo ay 2-1 hogaanka ciyaarta kula soo nasteen, laakiin waa xaqiiq in ciyaartu ay laba qaybood tahay, waxaana taas muujiyay mid ka mid ah xulalka qaraada Afrika koobka aduunka u matali doona ee Nigeria oo ka soo kabsaday laba gool waxayna Argentina ku dubteen 4-2.

Qaybtii hore ee ciyaarta Argentina ayaa raaxo wayn ku jirtay kadib markii Ever Banega goolka furitaanka dhaliyay daqiiqadii 27 aad waxayna Argentina u muuqdeen kuwo aan biyo u kabanayn Nigeria iyada oo xulka qaranka Argentina uu ahaa kan awooda badan soo bandhigay.

Laakiin daqiiqadii 36 aad Sergio Aguero ayaa xulka qarankiisa u dhaliyay goolka uu taariikhda kale ku abuuray si uu noqdo xidigii saddexaad ee abid goolasha ugu badan u dhaliyay xulka qarankiisa Argentina isaga oo waliba laba usbuuc ka hor noqday xidiga goolasha ugu badan abid u soo dhaliyay Man City wuxuuna goolka uu Nigeria ka dhaliyay markale ka dhigay xidiga saddexaad ee Argentina goolasha ugu badan u soo dhaliyay.

Soo laabashada xulka qaranka Nigeria ayaa ka bilaabtay gool uu Iheanacho dhaliyay daqiiqadii 44 aad ee dhamadkii ciyaarta kadib markii uu soo celiyay rajada ay qarankiisu ka qabeen in ay kulankan ku soo laaban karaan wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay wali Argentina hogaanka ciyaarta ku hayaan.

Qaybtii hore ee ciyaarta Nigeria waxay ku fashilmeen in ay  yimaadaan goolka labaad ee barbaraha laakiin xulka qaranka Argentina ayaa qaybtii hore ee ciyaarta nasashadii u baxay iyaga oo 2-1 hogaanka ku hayay waxaana loo arkayay in Argentina ay guul raaxo leh gaadhayso.

Laakiin qaybtii danbe ee ciyaarta waxaa Argentina la baray sida looga soo laabto laba gool oo qaybta hore hogaanka ciyaarta lagaaga hayo waxaana kulankan wacdaro ka dhigay Alex Iwobi oo xulka qaranka dalkiisa Nigeria u dhaliyay laba gool.

Daqiiqadii 52 aad Alex Iwobi ayaa xulka qarankiisa Nigeria  u keenay goolka barbaraha wuxuuna markan sabab u noqday in Nigeria  ay soo laabasho cajiib ah samayso  laakiin laba daqiiqo oo kaliya kadib goolka barbaraha Nigeria ee Iwobi waxaa Argentina ka yaabsaday Idowu kaas oo daqiiqadii 54 aad markii ugu horaysay Nigeria hogaanka ciyaarta u dhiibay wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 2-3 ay Nigeria markeeda hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Haddii daqiiqadii 36 aad uu xulka qaranka Argentina hogaanka ciyaarta ku hayay 2-0 waxay markan Nigeria hogaanka ciyaarta 3-2 ku qabtay daqiiqadii 54 aad laakiin waxayba wax walba noqdeen wax cajiib ah markii daqiiqadii 73 aad uu Alex Iwobi dhaliyay goolkiisa labaad iyo kan afraad ee Nigeria.

Argentina ayay u qaadan waa ku noqotay in Nigeria ay ka soo kabsatay laba gool oo ay uga hormareen laakiin ugu danbayn qasab ayay ku noqotay kooxda Sampaoli ee uu Lionel Messi ka maqnaa in ay soo qaataan guuldaro 4-2 ah inkasta oo ay laba gool ku hor mareen.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments