XOG: Zlatan Ibrahimovic Oo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo Kula Biiray Liiska Koox Ciyaartoy Ah Oo Heer Gool Dhalin Layableh LOo Diwaan Galiyay.

Halyayga xulka qaranka Sweden isla marakaana kooxo aad u tiro badan magac wayn ku soo yeeshay ee Zlatan Ibrahimovic ayaa wali sii wada in uu magiciisa ku qoro kubbada cagta isaga oo dhaliyay goolkiisii 500 aad ee waayihiisa ciyaareed wuxuuna liiska khaas ah kula biiray Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ka soo ciyaaray kooxaha kala ah  Malmo, Ajax, Juventus, Inter Milan, Barcelona, AC Milan, Paris Saint-Germain, Manchester United iyo kooxda uu hadda ka tirsan yahay ee LA Galaxy waxaana koox kasta jirta taariikh gaar ah oo lagu xusuusto Ibrahimovic.

Ibrahimovic ayaa noqday xidiga saddexaad ee kaliya ee hadda kubbada cagta ciyaara ee dhaliyay 500+ gool waxaana uga horeeyay oo kubbada cagta wali sii ciyaara Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo waxayna sidaa ku yihiin saddexda ciyaartoy ee ilaa hadda kubbada cagta ciyaara ee gaadhay ama dhaafay 500 gool.

Odhaahda caanka ah ee uu Ibrahimovic isticmaalo marka uu horyaal cusub tago ayaa ah: “Imo kadib qabso” wuxuuna taas ku muujiyay markale horyaalka MLS isaga oo 17 gool ku soo dhaliyay 22 kiisii kulan ee ugu horeeyay taas oo la micno ah in celcelis ahaan uu kulan kastaba soo dhaliyay 0.77 gool.

Waa heerkii gool dhalineed ee abid ugu fiicnaa ee uu Ibrahimovic soo sameeyay 21 sanadood ee uu ku soo dhex jiray kubbada cagta wuxuuna kaga dhabaynayaa in marka ay da’diisu sii waynaataba uu sii fiicnaanayo.

Xili ciyaareedkii 2015/16 ayuu Ibrahimovic dhaliyay goolashiisii ugu badnaa ee hal xil iciyaareed isaga oo 50 gool ku soo dhaliyay 51 kulan wuxuuna markaas ka tirsanaa kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain.

Ibrahimovic ayaa 438  gool ku soo dhaliyay kulamadii uu u saftay kooxihii kala duwanaa ee uu soo maray halka 62 gool kale uu u soo dhaliyay xulka qarankiisa  taas oo keentay in uu gaadhay 500 gool oo waayihiisa ciyaareed ah.

Halkan Kaga Bogo Dariiqii Uu Ibrahimovic u Soo Maray Gool Dhalinta Iyo Kooxihii Uu Iskaga Soo Gudbay oo waliba ay ku hor qorantahay lacagihii lagula wareegay.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo uu Ibrahimovic u muuqday mid duqoobay isla markaana waqtigii uu dhaawaca halista ahi ku soo gaadhay Manchester United lagula taliyay in uu ciyaaraha iskaga fadhiisto waxa uu hadda muujinayaa in meel kasta oo uu tago uu taariikh ka samayn karo.