XOG QARSOODI AH: Xidiga Ugu Fiican, Tababaraha & Goolka Ugu Fiican Bisha September Horyaalka Premier League Oo Si Qarsoodi Ah Loo Ogaaday.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Oct 13, 2017

Guuleystayaasha abaalmarinada bisha September ee horyaalka Premier League ayaa si qarsoodi ah loo ogaaday iyadoo maanta ay tahay waqtigii loogu tala galay inla shaaciyo, waxaana baraha bulshada lagu faafiyay xog lasoo xaday oo muujineysa shaqsiyaadka ku guuleystay.

Sawir ay ka muuqdaan afar biladood ayaa lasoo dhigay baraha bulshada, waxeyna cadeynayaan cidda hanan doonta abaalmarinada bisha September ee galabta lagu dhawaaqi doono, waana markii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkaan sidaas la sameeyo.

Harry Kane, Pep Guardiola & Antonio Valencia ayaa ku guuleysan doona abaalmarinada bisha September, sida ay qirayaan sawirada la helay ee lagu faafiyay baraha bulshada.

Harry Kane: Waxaa la ogaaday inuu ku guuleystay abaalmarinta xidiga bisha September ee horyaalka Premier League isagoo abaalmarintaas ku garaacay xidigo ay ka mid yahiin: Romelu Lukaku & Alvaro Morata.

Pep Guardiola: Tababarahii hore Barcelona waxaa la ogaaday inuu ku guuleystay abaalmarinta macalinka bisha horyaalka Premier League, tababaraha reer Spain kooxdiisa waxey aruursatay 12-dhibcood bishii lasoo dhaafay madama ay guulo wada gaareen wuxuuna ku abaalmarintaan ku garaacayaa Jose Mourinho & Arsene Wenger.

Antonio Valencia: Daafaca Manchester United David De Gea ayaa ku guuleysstay goolka ugu quruxda badan, wuxuuna ku hantay abaalmarintaan goolkii uu ka dhaliyay Everton.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments