XOG: Goorma Ayuu Suuqa Kala Iibsiga Ciyaaryahanada Ka Xirmaa Wadamada Waa Weyn Ee Yurub Iyo In Naadiyadda Premier League Laga IIbsan Karo Ciyaaryahanno

Suuqa kala iibsiga ciyaaryahannada wuu ka xirmay England khamiistii balse waxa uu u socon doonaa wadamada kale ee Europe.

Kooxaha Spain, Germany, France iyo Turkey ilaa iy 31-ka Agoosto wey la soo saxiixan karaan ciyaaryahanno.

Kuwa Italy iyaga waqtigaa ku yar waxa uuna uga egyahay 17-da Agoosto.

Arintaas war u wnaagsan uma aha tababareyaasha kooxaha England oo wali waayi karo xiddigo.

Laakiin ma aha in k aka cabsadaan in ay ciyaaryahanno ku waayaan China maadama uu ka xirmayo 13-ka Luulyo.

Go’aanka suuqa Premier League loo xiray waxa uu ahaa in laga hortago in koxoaha Ingiriiska ay iska dhex kalluumeystaan marka uu horyaalka bilowdo.

Suuqa waxa uu dib u furmi doonaa 1-da Janaayo 2019.

Xilliyadda Uu Ka Xirmayo Suuqa Waddamo Aan Xulnay

 

USA – Closed August 8

England – Closed August 9

Italy – August 17

France – August 31

Germany – August 31

Spain – August 31

Denmark – September 1

Scotland – September 1

Turkey – September 1

Netherlands – September 2

Mexico – September 5

Russia – September 6

Portugal – September 21

Australia – October 18