Xiriirka Kubadda Cagta Chile Oo Racfaan Ka Qaadanaya Ka Haritaanka Koobka Aduunka, Kuna Andacoonaya In Loo Heshiiyay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Oct 13, 2017

Xiriirka Kubadda Cagta Chile [ANFP] ayaa quuldareynaya iney racfaan ka qaataan ka haritaankii koobka Aduunka iyagoo ku andacoonaya in natiijada kulankii Colombia iyo Peru ay aheyd mid la qorsheeyay taasna ay keentay fashilkooda usoo bixitaanka koobka Aduunka sida uu shaaciyay La Tercera.

Waxaa lasoo jeedinayaa in Peru ay cagaha dhulka dhigeen markii ay faah-faahino ku saabsan natiijooyinka garoomada kale ka heleen Radamel Falcao.

Sawirada laga soo qabtay kulankaas ayaa muujinaya in Radamel Falcao uu u muuqday mid bixiya tilmaam ku saabsan in labada kooxood ay u fiican tahay natiijada waqtigaas ee barbaraha aheyd.

Xidiga khadka dhexe xulka qaranka Peruu Renato Tapia ayaa sii huriiyay sheekada markii uu si weyn u xaqiijiyay wixii uu u sheegay Radamel Falcao.

“Waxaan diirada saareynay kulanka, shantii daqiiqo ee ugu dambeysay ayey noo yimaadeen xidigaha Colombia” ayuu yiri isagoo la hadlayay Panamericana Television.

“Wey ogaayeen xaalada garoomada kale, kulanka waxaa loo maamulay sidii loo maamuli lahaa. waxaan la hadlay Falcao wuxuuna ii sheegay in labadeena aan soo baxnay, sidaas darteed wey na farxad galisay arintaas”

Si kastaba waxaa jira xeer ku qoran buuga FIFA ee looga hadlo arimaha kulamada la go’aamiyay – taasoo lifaaqeysa in la tixraaci doono hadii si sharci ah darro ah loo gudbiyo natiijo.

Sidoo kalana hadii kooxd ama xulka lagu helo dambi ah inuu ku xad gudbay xeerka, waxaa macquul ah in dhibco laga jaro, waana sababta rasmiga ah ee xiriirka kubadda cagta Chile ay ugu dhiiradeen arintaasn.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments