Xidigii Hore Barcelona & Xulka France Ludovic Giuly:  “Kylian Mbappe Wuu Ka Xirfad Badan Yahay Lionel Messi Markii Uu Da’daan Jiray”

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Oct 13, 2017

Wey adag tahay in ciyaariyahan uu gaaro heerka uu tiigsaday waayahiisa ciyaaraha Lionel Messi, balse dadka qaar ayaa ku fakaraya in awoodda Kylian Mbappe ay tahay mid aad u wanaagsan, xidigii hore Barcelona & qaranka France Ludovic Giuly ayaa aaminsan in xidiga PSG uu ka xirfad badan yahay Messi markii uu jiray da’diisa.

Ludovic Giuly wuxuu ka mid ahaa Barcelona markii uu soo hana qaadayay Lionel Messi, isagoo qiray in xidiga reer Argentina uu ku dhibanaa inuu miisaamo jirkiisa markii uu jiray da’da Kylian Mabppe, balse dhibaatadaas aysan hadda heysan Kylian Mbappe.

“Messi wuxuu soo hilaacay isagoo jira 17-sano si la mid ah Kylian Mbappe” ayuu yiri xidigii xilli hore ka hawlgabay kubadda cagta ee Ludovic Giuly isagoo la hadayay Le10Sport.

“Wuxuu leeyahay awood badan iyo wax walba oo looga baahan yahay in lagu noqdo ciyaariyahan weyn”

“Mbappe wuu ka xirfad badan yahay Messi markii uu da’daan jiray, Mbappe wuxuu garanayaa sida loo ilaaliyo jirkiisa si ka wanaagsan Messi”

“Messi wuxuu qabay dhibaatooyin caafimaad waqtigiisii hormarka, aad ayeyna dhib badan ugu aheyd” ayuu yiri Guily,

“Mbappe wuxuu ogyahay jirkiisa iyo sida si wacan loogu soo kabto”