Xidiga Ree Brazil Ee Gabriel Jesus Oo Ugu Danbayn U Soo Duulay Manchester Iyo Guardiola Oo War Wayn Oo Farxadeed Helay

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Gool dhaliyaha xulka qaran Brazil ee Gabriel Jesus ayaa ugu danbayn tikidhka u soo goostay magaalada Manchester halkaas oo uu markii ugu horaysay kula midoobi doono kooxdiisa cusub ee Manchester City kadib markii uu saddex bilood ka hor saxiixay heshiiska uu Etihad Stadium ugu soo wareegayo.gabriel

Man City ayaa bishii August ku dhawaaqday in ay Gabriel kula soo wareegtay 27 milyan oo gini balse waxaa fursad loo siiyay in uu soo dhamaysto horyaalka Brazil oo markaas dhexda marayay. Gabriel Jesus ayaa axadii macasalaameeyay ciyaartoyda kooxdiisii  Palmeiras oo uu ka soo caawiyay in ay ku guulaystaan koobka horyaalka Brazil.

 Jesus is thrown into the air by his jubilant team-mates at the Allianz Parque Stadium

Guardiola ayay farxad wayn u tahay in uu kooxdiisa ugu danbayn ku soo dhaweeyo gool dhaliyahan da’yarka ah isla markaana xirfada layaabka ah leh. Gabriel ayaa sidoo kale sanadkan door wayn ku lahaa in Brazil ay markii ugu horaysay taariikhdeeda ku guulaysto bilada dahabka ah ee Olympic-da.

Gabriel Jesus has his bags packed for Manchester and will jet in to visit City on ThursdayHe bid an emotional farewell to Palmeiras on Sunday after helping them with a league title

19 jirkan ayaa ugu danbayn qayb ka noqon doona qorshaha dheer ee Pep Guardiola wuxuuna macalinka ree Spain adeega xidigan helayaa xili uu horyaalka Ingiriisku galiyo waqtigii ugu muhiimsanaa. Gabriel ayaa bartiisa Instagramka ku cadeeyay in uu ku soo jeedo magaalada Manchester.

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. cawil farhan 05-12-2016 at 7:17 pm - Reply

    woow waa arin farxad leh waxaan rajaynayaa inuu wax badan ku soo kordhiyo kooxda city

  2. DIDI 01-12-2016 at 7:26 pm - Reply

    wooow war farxad leh oo aad u weyn waye waa madaale
    dheereeya walibana farsamo badan walee difaac dhaxa
    war waa heestaa kkkkkkkk viva gabriel

Leave A Response