Xiddigii Ugu Fiicnaa Uu Ka Dhinac Ciyaaro, Midkii Ugu Adkaa Uu Ka Hor Yimaado & Michael Carrick Oo Doortay Sanadkii Ugu Fiicnaa Man United.

Gacanta middig ee hadda uu heysto Jose Mourinho [Michael Carrick] ayaa banaanka soo dhigay dhawr waxyaabood oo ku saabsan waayahiisa ciyaaraha kadib markii uu aqbalay inuu wareysi siiyo tifaftiraha qorayaasha kubadda cagta ee shabakadda Mirror Football [John Cross].

Su’aalaha waa kuwa si dhaqsi ah looga jawaabayo, waxyaabaha ugu muhiimsan uu ka hadlay waa saddex waxyaabood, inuu xiddigii hore United Paul Scholes ku tilmaamay midkii ugu fiicnaa uu ka dhinac ciyaaro wax badanna uu ka bartay.

Sidoo kale Lionel Messi iyo Clerence Seedorf ayuu u arkaa kuwii ugu adkaa uu ka hor yimaado, balse wuxuu aad usoo hadal qaaday in wadajirka ciyaareed ee Busquets, Xavi, Iniesta iyo Messi ay tahay wax ay adag tahay in la maareeyo.

“Waxaan mar walba dhihi doonaa Scholes, sababtoo ah waa kan ugu haboon inuu dhinaceyga joogo, marka ay noqoto bah-wadaag, waxey aheyd wax cajiib ah inaan la ciyaaro, waxaan laheyn ciyaartoy badan oo cajiib ah, balse mar walba waxaan dib ugu laabanayaa Scholes” ayuu yiri Carrick markii wax laga weydiiyay midkii ugu fiicnaa uu garoon la galo.

“Messi, Seedorf markii uu Milan ka tirsanaa, balse khadka dhexe ee Barcelona – Busquets, Xavi, Iniesta oo uu la jiro Messi, wax badan kama heleysid markey koox ahaan yahiin” ayuu yiri Carric mar kale.

Ugu dambeyntii Michael Carrick wuxuu qabaa safkii Manchester United ee 2008 ay yahiin kuwii ugu fiicnaa, sidoo kalana wuxuu qiray iney muujiyeen sida ay uga mid ahaayeen kooxaha ugu fiican yurub.