Xiddigii Hore Ee Kooxda Chelsea Andriy Shevchenko Oo Ka Hadlay Horumarka Eden Hazard Ee Xilli Ciyaareedkan Iyo Sababta Uu Haatan Ugu Guulaysan Karo Ballon d’Or.

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea Andriy Shevchenko ayaa ka hadlay horumarka layaabka leh ee uu xilli ciyaareedkan sameeyay xiddiga kooxdiisii hore ee Eden Hazard xilli uu sidoo kale tilmaamay sababta uu garabka ree Belgium haatan fursad fiican ugu heli doono ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or.

Hazard ayaa xilli ciyaareedkan ku bilawday qaab heer sarre ah kaddib markii uu sideed kulan oo horyaalka ah ku dhaliyay toddoba gool walow uu wali aamisan yahay inuusan Ballon d’Or ku guulaysan karin inta uu ku sugan yahay Chelsea sidii uu dhawaan saxaafada u sheegay.

 

Haddaba, Shevchenko ayaa wali aaminsan in xiddigani uu wali abaalmarintan ku guulaysan karo isaga oo sababta ugu weyn ee uu haatan ku tartami doono ku sheegay heerkiisa goolasha ee xilli ciyaareedkan.

Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Maxay inta badan weeraryahanadu u helaan abaalmarinaha shaqsiga ah? sababtoo ah waxa ay masuul ka yihiin dhammaystirka kubaddaha weerarka ah”

“Dadku waxay jecel yihiin inay arkaan goolal la dhalinayo, Hazard waa heer sarre, Waa ciyaartoy cajiib ah laakiin ma uusan helay 20 ilaa 25 gool xilli ciyaareedkii”

“Xilli ciyaareedkan waxa uu haatanba leeyahay 8 sidaa darteed wuxuu hayaa wadadii uu tirsadaas ku gaadhi lahaa sidaa darteed waxa uu haystaa fursad kasta oo uu ugu guulaysto Ballon d’Or”