Xiddigii Hore Ee England Ugo Ehiogu Oo Geeriyooday Ka Dib Markii Uu Ku Dhacay Garoonka Tababarka Tottenham

by Saed Balaleti | Friday, Apr 21, 2017

Xiddigii hore ee xulka England Ugo Ehiogu ayaa geeriyooday isagoo 44 sanno jir ah ka dib markii uu jooga ka dhacay isagoo jooga garoonka tababarka ee Tottenham.

Ehiogu ayaa la shaqeynayay kooxda Spurs ee da’dooda ka yar tahay 23 sanno jirada, waxaana loola cararay cusbital markii uu wadno xanuun ku soo booday shalayto.

Warbixin ay soo saartay Spurs maanta ayaa lagu shaaciyay geerida Ehiogu isagoo ay nafta ka baxsaday saacadii hore ee saaka.

Warbixinta ayaa u qorneyd: “Waxaa wax aad looga murugoodo ah inaan shaacineyno geerida Ugo Ehiogu.

“Ugo ayaa daweyn degdeg ah loola dhaqaaqay ka dib markii uu wadno xanuun ku soo booday shalayto isagoo jooga xarunta tababarka ka hor inta aan loo qaadin cusbitalka halkaasoo uu ku geeriyooday saacadihii hore ee saaka.”

Ehiogu ayaa afar kulan u saftay xulka England mudadii 20ka sanno aheyd ee uu ciyaarayay kubada cagta isagoo inta badan joogay kooxaha Aston Villa iyo Middlesbrough.

Daafaca dhexe ayaa sagaal sanadood ku qaatay Aston Villa halka uu todobo sannadood joogay Middlesbrough, waxa uu labada kooxood kula guuleystay League Cup isagoo ka caawiyay Aston Villa inay gaaraan finalka FA Cup sannadii 2000.

Waxa uu sidoo kale u ciyaaray West Brom, Rangers, Leeds iyo Sheffield United, waxaana uu shaqaalaha tababarka Spurs ku biiray sannadii 2014.