Xiddiga Khadka Dhexe Ee Kooxda Chelsea N’Golo Kante Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Xiisihii Uu Ka Helay Kooxo Badan Suuqii Xagaaga & Sababtii Uu Ugu Nagaaday Blues.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Franc ee N’Golo Kante ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xisihii uu suuqii xagaaga ka helay kooxo badan oo ree Yurub ah iyo sababtii uu ugu nagaaday kooxdiisa haatan ee Chelsea.

Kante ayaa saddexdii sano ee ugu dambeeyay kor u kac waali ah sameeyay kaddib sanado qurux badan oo uu ku qaatay horyaalka Premier League isla markaana uu horyaalka la hantay kooxaha Leicester City iyo Chelsea intaa kaddib xiddigan ayaa dhawaan hantay tartanka ugu weyn dunida kubadda cagta ee Koobka Aduunka.

Kante ayaa sheegay inaysan jirin wax isaga ku dhiirigalinayay inuu iskaga baxo Stamford Bridge isagoo oo qirtay inuu xagaagii kooxo badan ka helay xiiso balse uu iska diiday sababtoo ah inay waxkasta u kala cadaayeen kaddib wadahadalo uu la galay kooxdiisa.

Xiddigan ree France ayaa hadalkiisa ku bilaabay sida tan “May jirin wax igu dhiirigalinaya inaan meel kale tago kaddib koobkii aduunka, Waxa jiray xiiso kooxo kale ka imaanayay laakiin kaddib markii aan la hadlay Chelsea waxkasta way cadaayeen, Kooxdu aniga way igu xisaabtamaysay waxaanan dareemayay wanaag, Talaabada xiga ee muhiimka ah waxay ahayd inaan kusii wato (Waayaheyga) Chelsea”

“Waxa jiray xidhiidhyo dhawr ah laakiin kaddib wadaxaajood aan la galay Chelsea waxaan aqoonsaday in waxa ugu muhiimsani uu yahay inaan wanaag ku dareemayay meesha aan joogay, Anigu waxaan joogaa Chelsea wayna ii wanaagsan tahay inaan Chelsea joogo”

Si kastaba ha ahaatee, Kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa ahaa kooxaha ugu waaweyn ee suuqii xagaaga isku dayay inay la saxeexdaan Kante balse uu iska indho tiray si uu baaqi ugu sii ahaado kooxda ree London.