Xiddig Ay Dagaal Iskula Jiraan Madaxweyne Donald Trump Oo Iclaamiyey Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Takoorka Madowga Dalka Maraykanka

Xiddiga madow ee madax xanuunka ku riday madaxweyne Donald Trump ee Colin Kaepernick ayaa ku guuleystay abaal-marin qaali ah oo lagu guddoonsiiyey sida uu ugu halgamay madowga dalka Maraykanka iyo dhaqankooda, kaddib markii uu dagaal toos ah kala hor tegay madaxweynaha iyo dadka caddaanka ah ee magaca ku leh dalkaas.

Colin Kaepernick ayaan garoomada soo gelin tan iyo sannadkii 2016 markaas oo ay kooxaha dalka Maraykanka ee caddaanku leeyihiin diideen inuu u ciyaaro, iyaga oo daba socday halgan uu ciyaartoygani u galay inuu difaaco xuquuqda dadka madowga ah oo siyaabo xunxun loola dhaqmay, dad badanna laga laayay sannadihii u dambeeyey.

Ciyaartoygan oo ciyaara kubadda NFL-ka ee caanka ka ah dalkaas, ayaa sannadkii 2016 bilaabay olole guuleystay oo dad badan iyo ciyaartooyo magac leh ay kaga daydeen, taas oo ahayd in marka la shido heesta calanka Maraykanka bilowga ciyaar kasta uu diido inuu u istaago isaga oo jilib dhulka dhigaya.

Arrintaas oo dunida oo dhan gaadhay ayaa uu ku waayey kooxdiisii oo diiday inay u cusboonaysiiyo heshiiskiisii oo sannadkaas dhacayey, hase yeeshee madaxweyne Trump ayaa dagaal toos ah la galay oo si xun ugu aflagaadeeyey bartiisa Twitterka, shirar jaraa’id iyo khudbado toos ah oo uu fagaareyaaal ka jeediyey.

Xiddigan 30 jirka ah ayaa arrintaas kasoo kabtay markii ay toddobaadkan jaamacadda Harvard University oo ah tan dunida ugu horreysa ay guddoonsiiyey abaal-marinta qaaliga ah ee W.E.E Du Bois Medal oo uu ku mutaystay sida uu ugu halgamayo xuquuqda madowga.

Isaga oo ka hadlayey xafladdii lagu guddoonsiinayey abaal-marinta, ayaa waxa uu Colin Kaepernick sheegay in dadka oo dhan ay waajib ku tahay inay u dagaallamaan, raadiyaana xuquuqda la duudsiyey ee dadka madow ee Maraykanka, waxaanu ku dooday inuu sii wadi doono taas.

“Waxa aan dareemayaa in aanay ahayn masuuliyad aniga oo kaliya i saaran ee ay tahay in dadka oo dhami ay waajibkood aqaataan, awooddooda muujiyeen, sii wadaan dagaalka, sare isku qaadaan oo ay is awoodeeyaan.” Sidaas ayuu yidhi Colin Kaepernick.

Laacibkan ayaa sannadkan horraantiisii dacwad u gudbiyey maxkamad ku taalla dalka Maraykanka oo ka dhan ahayd mulkiileyaasha naadiyada NFL-ka oo dhamaantood diiday inay heshiis la galaan si uu ugu ciyaaro, hase yeeshee waxa uga hiilisay shirkadda NIKE oo dharkeeda sannadkan uga dhigtay sawirka koowaad ee lagu xayeysiiyo, taas oo uu ka helayo hanti badan.