Xherdan Shaqiri Oo Maanta Tijaabada Caafimaadka U Maraya Kooxda Liverpool Ka Dib Markii Ay Stoke Aqbashay Dalabka Kooxda Reds

Ciyaaryahan Xherdan Shaqiri ayaa soo gaabiyay fasixii uu ku maqnaa isagoo ka soo degay garoonka tababarka ee Melmood halkaasoo uu tijaabada caafimaadka ugu marayo kooxda Liverpool, sida ay shaacisay hilinka Sky Sports News.

Kooxda Stoke City ayaa lagu waramayaa inay aqbashay dalabkii 13.5 milyan ginni ee ay kooxda Liverpool ka soo gudbisay weeraryahanka ka dib markii Liverpool ay miiska soo saartay lacagta lagu burburin karay qandaraaska Shaqiri oo qiimeyn ku dhisneyd.

Xiddiga khadka dhexe ee Switzerland ayaan wax qarsoon ka dhigin inuu doonayo inuu isaga tago kooxda Stoke City ka dib markii ay u dhaceen horyaalka heerka labaad xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Goolkii guusha ee uu dhaliyay daqiiqadii ugu danbeysay kulankii Serbia ayaa xulkiisa Switzerland u soo saaray wareega 16ka Koobka Adduunka ka hor inta aysan ka harin tartanka ka dib guuladarro ay kala kulmeen xulka Sweden.

Shaqiri ayaa u arka mid horumar ku sameyn kara Liverpool madaama uu ka hoos ciyaarayo tababare Jurgen Klopp iyadoo kooxda Reds loo arko inay lacag aad u jaban ku heshay xiddig garabka ka ciyaara oo farsamo fiican leh.

Ka dib marka uu maanta maro tijaabada caafimaadka waxaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiska Shaqiri isagoo noqonaya saxiixii seddexaad ee xagaagan yimaada kooxda ka dib Fabinho iyo Naby Kieta.

Waxa ay sidoo kale kooxda Reds loolan ugu jirtaa soo xerogelinta xiddiga kooxda Lyon Nabil Fekir iyo goolhayaha reer Brazil ee kooxda Roma Allison