Xavi Hernandez Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay In Neymar Jr Uu Barcelona Ka Baxay Isaga Oo Barbar Dhigay Luis Figo.

by Mohamoud Batalaale | Saturday, Aug 12, 2017

Xidigii hore ee kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa wuxuu tilmaamay sida uu uga xunyahay heshiiskii uu Neymar Jr ugu dhaqaaqay safka kooxda Paris St Germain, wuxuuna qiray inuusan ku fikirin inay dhici karaan arimahan oo kale.

Xavi Hernandez ayaa sheegay in ayna wax sahlan ahayn in ciyaartoy uu ka baxo safka kooxdiisii hore ee Barcelona isaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay in xidiga ree Brazil uu Barcelona ka baxay. Xavi ayaa xusay in sida ay arintani u yartahay laga dareemayo in 17 sano ka hor ay ahayd markii ugu danbaysay ee uu ciyaartoy Barcelona sidan oo kale uga baxay isaga oo tusaale u soo qaadanayay Figo.

Xavi Hernandez  ayaa waraysi uu bixiyay ku yidhi:  “Waa wax naadir ah in laacib ka tirsan safka kooxda Barcelona uu ka dhaqaaqo, waana arin layaab badan, mana aysan dhicin mudo haatan laga joogo 17 sano, kadib markii uu  Luis Figo ku biiray Real Madrid, Barcelona kuma aysan fikirin inay jirto koox bixin karta qiimaha lagu kansali karo heshiiska Neymar ee gaadhsiisan aduun dhan 222 million euros”.

Xavi Herandez ayaa hadalkiisa sii raaciiyay: “Sharaxaad buuxda kama uusan bixinin Figo ka bixistiisa kooxda Barcelona, isaga oo aan xataa qaban shir jaraa’id, ama wax yaabo kale”.

Xavi oo waynaynaya kooxdiisa hore ayaa wuxuu intaa kusii daray: “Barcelona xili kasta waa mid u taagan in lala xidhiidhiyo ku guuleysiga koobab xidig kastaa oo go’aansada inuu ka dhaqaaqo, waxaan heysanaa Lionel Messi oo ah laacibka ugu wanaagsan dunida, Luis Suarez oo ah weeraryahanka ugu wanaagsan, Pique, Iniesta iyo Busquets, iyo xidigo kale ee ku wanaagsan ka ciyaarista boosaskooda”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments