Xavi Hernandez Oo Si Maldahan Kooxdisii Hore Barcelona Ugu Tilmaamay Xidig Ay Tahay Iney Lasoo Saxiixato.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Halyeeygii hore Barcelona Xavi Hernandez ayaa aaminsan in da’yarka Paris Saint Germain Adrien Rabiot uu ku haboon yahay inuu yimaado Camp Nou isla markaana uusan wax dhibaato ah ka mari doonin inuu la qabsado.

Rabiot ayaa si aan caadi aheyn uga hilaacay Parc des Princess xili ciyaareedkaan iyadoo saxaafadda faransiiska ay soo jeediyeen inuu xidigaan yahay mustaqbalka kooxda ka dhisan magaalada Paris.

Inkastoo ay Barcelona heysato fursad yar oo ay kula soo saxiixan karto 22-jirkaan, hadana xidiga koobka aduunka kula guuleystay Spain ee Xavi Herandnez uu aaminsan yahay inuu kabahiisa xiran doono.

“Wuu u ciyaari karaa Barcelona dhib la’aan, wuuna la qabsan karaa dhib la’aan” Ayuu yiri Xavi oo la hadlayay Le Parisien.

“Wuxuu garanayaa sida loo agaasimo ciyaarta, difaacdo, weerarka loogu dhaqaaqo, waa xidig dhameystiran marka uu kubadda heysto iyo marka uusan heysan”

Adrien Rabiot muddo 7-sano ah ayuu ku qarash gareeyay dhawr jeer ayuna u dhawaaday inuu ku biiro Arsenal, balse haatan wuxuu noqday xidigaha ugu fiican ee ay heysato kooxda reer France.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments