“Xataa Haddii Aad Aaddo Italy Waa Lagu Soo Xirayaa,” -Wasaaradda Maaliyadda Spain Oo U Hanjabtay Cristiano Ronaldo

Real Madrid waxa ay Cristiano Ronaldo u ogolaatay in uu ku biiro Juvntus, laakiin wasaaradda maaliyadda ee Spain ayaa sheegtay xataa haddii Portugal-ku aaday Italy, waaran/warqad fasax oo lagu soo xiro loo jari karo.

Ronaldo waxa ay xurgud canshuur lunsi ku saabsan u dhexeeysay waaxda maaliyadda ee Spain walow bishii Juunyo la sheegay in is afgarad laga gaadhay.

Jose Maria Mollinedo, oo ah xogyaha guud ee GESTHA, waxa uu ku adkeysanayaa in ku iiridda Serie A-ga aysan waxba ka bedeli kari xaaladda.

“Ku biiridda Ronaldo ee Juaventus waxba ka bedeli meyso dhibtii ku haysatay waaxda maaliyadda, xataa haddii uu joogo Italy waaran/warqad lagu soo xiri karo waa loo jarayaa,” ayuu wareysi ku siiyey Europa Press.

“Qareenadiisa/Abuulaateyaashiisa wey ku difaaci karaa Maxkamadaha Spain. Waliba waxaa jira Maxkamado cadaalad oo reer Europe ah.”

Waxaa sidoo kale la caddeyn doonaa in laacibkii hore ee Mancehster Unted  uu maalinta uu u saxiixayo Juventus u baahan doono bixinta canshuur degenaansho ama mid aan degenansho ahayn.