Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyay Kulamadii Xalayto La Ciyaaray Wareega Group-yada Champions League.

by Saed Balaleti | Wednesday, Oct 19, 2016

uefa-champions-league-2016-17

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa haatan dhaliyay sagaal gool sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee uu u saftay kooxda Borussia Dortmund kulankii ay xalayto 2-1 kaga badiyeen Sporting Lisbon.

Gareth Bale ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Champions League tan iyo bishii December 2014, waxa uu soo gabagabeeyay 15 kulan oo Champions League oo ay abaar dhanka goolasha heysay kulankii ay xalayto Real 5-1 ku xasuuqday Ludogorets.

Markii ugu horeysay muddo 14 sannadood ah, seddex ciyaartoy oo kala duwan oo Isbaanish ah ayaa hal kulan oo Champions League goolal u dhaliyay Real Madrid – Marco Ansensio, Lucas Vazquez iyo Alvaro Morata.

Goolhaye Gianluigi Buffon ayaa xalayto badbaadiyay rigooradiisii ugu horeysay ee waqtiga caadiga ah ee kulan Champions League ah tan iyo bishii May 2003 markaasoo uu rigoore ka badbaadiyay Luis Figo oo u ciyaarayay Real Madrid.

Riyad Mahrez ayaa si toos ah uga qeyb qaatay afar ka mid ah shantii gool ee ay Leicester City ka dhalisay Champions League xilli ciyaareedkan (seddex gool iyo hal caawin).

Leicester City ayaa noqotay kooxdii shanaad ee taariikhda Champions League ee badisa seddexda kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka, waxa ay raaceen kooxaha AC Milan (92/93) Paris SG (94/95) Juventus (95/96) Malaga (12/13) Leicester (16/17)

Kooxda Leicester City ayaa 9 dhibcood ka heysata Champions League xilli ciyaareedkan waana in ka badan inta ay ka heystaan xilli ciyaareedka Premier League oo ah sideed dhibcood.

Iker Casillas ayaa badiyay kulankiisii 92aad ee Champions League waana rikoor cusub, waxa uu dhaafay Xavi oo ahaa ciyaaryahankii abid ugu goolasha badnaa kulamada Champions League.

Juventus ayaa la siiyay kaarkoodii 22aad ee casaan ah tartanka Champions League, waana in ka badan 5 kooxaha labaad ee casaanka ugu badan qaatay, iyadoo 17 casaan ah la siiyay kooxaha kala ah Inter Milan, Arsenal & Bayern Munich.

Goolhaye Keylor Navas ayaa laga dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Champions League isagoo ku ciyaaraya Santiago Bernabeu, waana todobo kulan oo uu ku ciyaaray garoonka kooxda Real Madrid.

Like it? Share it!

12 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. MAXAMED XASAN XAAD 19-10-2016 at 6:17 pm - Reply

    Real Madrid way uqalantaa guusha horyaalka yurub waayo iyada haysata hadana iyadaa iskale markan haday qaado waxay unoqonaysaa keedii 12aad

  2. Hashka barca 19-10-2016 at 2:54 pm - Reply

    Waar fernando ayaa iska dhaliyay goolka bale Ma dhalin maba taqaanin mxad ula yabysaan qof idin ka saxan idinku Marka h--e ishubsada ta Xavi wuxuu kawadaa gulaysi ee markaad wax qoraysid gacanta ayaa kaaga dhici karta marna computerka ayaaba wordka kuu badalaaya inta kle Waa sax idinkaan aqoon lahaynee ka barta

  3. SAID 19-10-2016 at 2:23 pm - Reply

    Asxaabeey goolkaas Manchester city waxaa loo qoray markii Bale, markii dambe waa laga badbatay. Waxaana loo diiwaan geliyey in uu iska dhaliyey ( ootareeto) ciyaartooyga la yiraahdo Fernando. Maaha Fernandinho waa Fernando.
    Marka inta aan adeega la inoo hayo eedayn, aan hubsano mawduuca.

    Mahadsanidiin dhammaantiin.

  4. Sulley 19-10-2016 at 2:07 pm - Reply

    Bale Semi finalkii man city baa ugu danbaysay gool Sannadkii 2015/16
    Xavi uguma goolal badnee wuu ugu guulo badnaa.
    Saxib Saed Balaleti malaha indhaa xuub kaaga jiraa mise masaxaad ama Iskiisad baad liqday .
    waar dib isugu noqo nin weyn baad tehee .

  5. halla madrid 19-10-2016 at 1:36 pm - Reply

    hhhhhhhhhhhh alla yaa iii qosla ma bale ayey ugu danbeysey gool inuu dhaliyo 2014 hhhh mancity yaa ka dhaliyey xavi na uguma goolal badna

  6. zuber santi zalman yare 19-10-2016 at 12:17 pm - Reply

    Waar iska saxa qoraalka

  7. 2pac 19-10-2016 at 11:50 am - Reply

    qoraalku sax maha wax xooga mahaysan ee meesha ku kala tagaa

  8. 2pac 19-10-2016 at 11:48 am - Reply

    wxd so qoraysaan iska hubsada wxn halkan uga shegayaa dadka halkan waxka akhriista inay iska dhaafan akhriiskedaa waa war aan sax sanayn halkan maha goob wax xaqiiqa lagaaga waraamo tanaa ayaagi danbi kuma lahaa mxa yelay aqoon dheer ayay uu lahayn wxn aayka wara mayaaan marka siida ladocda asxaabta

  9. 2pac 19-10-2016 at 11:47 am - Reply

    wxd so qoraysaan iska hubsada wxn halkan uga shegayaa dadka halkan waxka akhriista inay iska dhaafan akhriiskedaa waa war aan sax sanayn halkan maha goob wax xaqiiqa lagaaga waraamo tanaa ayaagi danbi kuma lahaa mxa yelay aqoon dheer ayay uu lahayn wxn aayka wara mayaaan marka siida ladocda asxaabta

  10. yaxye 19-10-2016 at 10:46 am - Reply

    qoraalkina dib ugu noqda

  11. yaxye 19-10-2016 at 10:45 am - Reply

    war sawki bale xili ciyareedki h--e man city bernabu gaol kaga dhaliyay oo ma xavi ayaa ugu golol badan champios leaga

    • Hussen 19-10-2016 at 11:46 am - Reply

      xavi uguma golal badnen e wa ugu guulal badnaa weye qoralke ayey qalden

Leave A Response